Maxaa maamulka cusub ee Maraykanku Xasan Sheekh ka aaminsan yihiin?

232-5d1

Diblomaasi Maraykan ah oo maamulka cusub ee Maraykanku quud daraynayo inuu u magacaabo u qaybsanaha wasaaradda arrimaha dibadda ee wadankaas qaarada Afrika ayaa ah nin wax badan ka hadlay waxna ka qoray arrimaha Soomaaliya.

Peter Pham oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka FIlibiin ayaa waxyaaluhuu aad uga hadlay dhinaca Soomaaliya waxaa ugu badnaa dhibaatooyinka Muqdisho ka jira. Ninkaan oo madax u ahaa madax daraasaadka Afrika ee Marayknka ayaa waxyaaluhuu aadka wax ugu qoray waxaa uu xoogga ku saaray dhibatada musuq maasuqa ee ka taagan laamaha dawladda iyo sidaysan weli u istaahilin in leegu yeero qaran.

J. Peter oo hadda lagu rajo weynyahay inuu noqdo wakiilka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u meteli doona qaaradda Afrika ayaa maqaladii uu ka qoray dawladda Soomaaliyed waxaa ka mid ahaa (Dawladda Soomaaliya ma istaahishaa in laaqoonsado) warbixinta oo soo baxday sanadkii 2014 ayaad mooddaa inay ka hadlayso waxa maantga taagan.

  https://horseedmedia.net/2014/02/27/lets-give-somalias-government-non-recognition-deserves/

Akhristow eedaha warbixinta tilmaamayso qaarkood waa kuwo xaqiiqda ku salaysan markaad eegto sida afartii sano ee la soo dhaafay ay wax u socdeen, ha ugu horeeyo musuqu, oo ay waxbadan ka iftiimisay gabadhii Layla Abraar ee muddo laba bilood ah gudoomiyaha bangiga dhexe ahayd, kadibna markay Imaaraadka tagtay ku dhawaaqday inaysan sumcadeeda ku baabi’in karin dhibaatada musuq maasuq ee ka taagan hanaanka dawladnimada soomaaliya ee madaxdeedu lugta ku leedahay. Gabadhaani nafteedu halis ayey geli lahayd haddii ay soo hadal qaadi lahayd intay Muqdisho joogtay arrimahay ka hadashay markay Dubai tagtay.

Warbixinta wakhtiga la soo saaray dawladda Xasan waxay jirtay oo keliya laba sano, dhamaanna wixii uu ku tilmaamay way rumoobeen, kuwaasoo ay ugu badan tahay musuq maasuqa, aqoon la’aanta maamul, nin jeclaysiga, iyo isagoo aysan daacad ka ahayn dhismaha dawlad Soomaaliyeed.

Meelaha ay sida aadka ah u taabatay warbixinta oo xilli hore ahayd waxay tahay in hubkii loo keenay ciidanka dawladda uu gacanta u galo kooxda Alshabaab tanoo ah ragaad kale oo lagu sii eryayo qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh markuu talada wadanka qabsaday wuxuu aad u buun buuiniyey aqoonsi ay siisay dawladiisa dawladda maraykanku, laakiin wuxuusan ogeyn Soomaaliya in wadan xor ah ay noqotay 1dii July 1960, aysan u baahnayn aqoonse kale ee ay rabto hogaan ka shaqeeya dhisitaanka hay’adaha qaranka, kuwaas oo uusan haba yaraatee dadaal uu geliyo iska daaye wixii raadkoodu sii jiray uu tirtiray.

Puntlandes.com

About The Author