Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen Dowladda Puntland iyo DFS

Dowladaha Puntland iyo DFS ayaa heshiis ka kooban 12-qodob ku wada gaaray magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Heshiiska ayaa u dhignaa sidan;-

1-Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1.1- Dooda Puntland ee qodobada la badalay,waxay Dowlada Federaalku waxay ka garaabaysaa Dooda Dowlada Puntland eek u aadan wax ka badalka Dastuurka dalka,waxayna labada dhinac isku raaceen in arrintaa ay ka wada hadlaan labada Baarlamaan ee Puntland iyo Federaalka,Dowlada Federaalkuna ay fududayso wada hadalkaas.

1.2- Dhamaystirka iyo fulinta Dastuurka;-Waxaa la isku raacay dhamaystirka iyo dardargalinta Dastuurka iayada oo loo marayo sida Dastuurkun qabo Cutubkiisa 15-aad.

1.3- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka noqonaya Dowlada Federaalka;-Dhismaha Dowladaha ka mid noqonaya Dowlada Federaalka waa inuu ku salaysan yahay sida Dastuurku qabo,waxayna Puntland iyo Federaalku ay isla qaateen in Maamulka KMG ah ee Gobolada dhexe ee ay Hogaaminayso DFS uu ka kooban yahay Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, sidoo kalena Waqooyiga Mudug wuxuu ka tirsan yahay Maamulka Puntland.

1.4- Dhismaha Ciidamo Qaran oo umada ka dhexeeya;-qodobkaa waxaa loo racaaya sida ku xusan heshiiska Garowe 11/Maarso/2013 oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdifaarax Shardoon Saacid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole,oo tibaaxaya dhisida Ciidamo Qaran oo isku dheeli tirsan,isuna dhafan,lagana soo qoro dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

2- Heshiiyada horay loo wada galay;-Labada dhinac waxayn isla ogolaadeen in heshiisyadii horay loo wada galay ee Federaalka iyo Puntland ay Waajib tahay in la fuliyo,iyadoo uu saldhig u yahay hehsiiskii ugu dambeeyay ee ay wada Saxiixdeen Dowlada Puntland iyo Xukuumadii Saacid,maadama heshiisyadii hore ay hirgali waayeen waxaa lagu heshiiyay in fulinta iyo Dabagalka heshiisyadii hore iyo kan maanta loo xilsaaro  Guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac waa Federaalka iyo Puntland,ayna ka qayb qaataan Hay’adaha ay khusayo ee labada dhinac.

3- Wada tashiga Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland ee ku aadan hehsiiyada Hormarineed iyo Heshiisyada Caalamiga ah;-Dowladaha Puntland iyo Federaalka waxay isla qaateen fududaynta Heshiisyada Hormarineed iyo kuwa Calaamiga ah,waxaana loo dhaqmayaa sida ku Cad Dastuurka Federaalka qodobkiisa 53-aad.

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee lagu heli Magaca umada Soomaaliyeed;-Labada Dowladood ay ku heshiiyeen in si Cadaalada loo qaybiyo dhamaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliyeed lagu helo.

5- Hiigsiga 2016;-Waxay labada dhinac isla qaateen in illaa hadda aan wada tashi buuxa aan laga yeelan Geedi socodka Hiigsiga 2016,waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in arrintaas wada tashi laga furo iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabada jira.

6-Hantida umada Soomaaliyeed ee Dibada ku maqan;-Labada dhinac waxayb isla qaateen in wixii Hanti ah oo loo celiyo umada Soomaaliyeed si Cadaalad ah loo qaybiyo,qaabka loo marayana uu noqdo mid laga wada tashtay.

7- Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare ee Puntland;-Shahaadada Puntland waxay u ekaanaysaa mida ay bixiso Wasaaradda Waxbaarshada iyo Barbaarinta  Dolwada Federaalka Soomaaliya,waxaa sidoo kale ka muuqanaya magaca Wasaaradda Waxbaarshada iyo tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

-Dowlada Federaalku waxay Aqoonsan tahay Shahaadada lagu heshiiyay ee Puntland,Dowlada Federaalka waxay u gudbinaysaa Dowlada Suudaan iyo cidii kale ee loo baahdo qoraal lagu Cadaynayo in Puntland ay qaado Imtixaan Midaysan oo Dowlada Federaalku ay Aqoonsan tahay.

8- Isku Dheelitirka Jagooyinka Dowlada Federaalku magacaabayso;-Labada dhinac waxay isla qaateen in Jagooyinka iyo Xilal ay magacowdo Federaalku sida;Saraakiisha Ciidamada,Hawlwadeenada Rayidka ah,Xubnaha Guddiyada Madaxa bannaan,Diplumaasiyiinta IWM loo magacaabo si Cadaalad ah lana tixgaliyo Saamiga Haweenka.

9- Hantida la kala haysto:-Waxaa lagu heshiiyay in arrintaas loo fuliyo sida ku Cad heshiiskii 11/Maarso/2013,qodobka 6-aad Farqadiisa 6.6,ee leh waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in Dowlada Federaalka ay dadajiso isucelinta Hantida gaar ahaaneed,si loo helo Dib u heshiisiin dhan ah,iyada oo loo magacaabayo Guddi heer Qaran ah oo Madax bannaan,go’aanadiisuna ay yeeshaan awood fulineed.

10- Qaabka wada shaqaynta Federaalka iyo Puntland;-waxaa la isla qaatay in sida ugu wannaagsan ee ay u wada shaqayn karaan Dowladaha Puntland iyo Federaalka ay tahay sida ku cad heshiiskii 11/Maarso/2013 qodobkiisa 1-aad oo qoran sida soo socota;-

-Kor u qaadida kalsoonida iyo Xiriirka Federaalka iyo Puntland.

1.1- In la wannaajiyo Xiriirka iyo wada hadalka Labada Dowladood,lana isdhaafsado booqashooyin,lana illaaliyo Baratakoolka Dowliga ah.

1.2- In la dhiirigaliyo wada shaqaynta Hay’ada kala duwan ee Puntland iyo Federaalka.

1.3- In la dhaqan galiyo dhamaan heshiisyada dhexmaray Puntland iyo Federaalka,wixii aan ka horimanayn Dastuurka.

1.4- Illaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.

1.5- In la joojiyo lagana hortago wixii wax u dhimanaya xiriirka iyo wada shaqaynta Labada dhinac,wixii tabasha ahna lagu xaliyo wada hadal.

11- Qodobada iyo Ajandayaasha aan ku jirin heshiiska;-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen Qodobada iyo Ajandaha aan ku jirin heshiiska ee untland ay soo Gudbisay inay noqdaan kuwo looga hadlo fadhiyada soo socda ee labada dhinac ay yeelan doonaan.

12- Soo Afjarida Khilaafka Labada dhinac;-Heshiisku wuxuu soo afjarayaa heshiiska wixii khilaafaad ahaa ee u dhexeeyay labada dhinac,wuxuuna Daahfurayaa is-afgarad,wada shaqayn toos ah iyo iskaashi lagu xaqiijinayo danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo hormarinta Geedi socodka dowladnimada Soomaaliyeed heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ugu dambayn hishiiskaan wuxuu soo afjarayaa khilaafkii ud hexeeyay labada dhinac, wuxuuna daah furayaa wadashaqeyn toos ah iyo iskaashi lagu xaqiijinayo danaha qaranka Soomaaliyeed iyo horumarinta geedi socodka dowladnimada Soomaaliyeed heer federalka iyo heer dowlad goboleed.

Hishiiskaan waxaa dhanka dowlada Puntland u saxiixay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca dowlada federalkana waxaa u saxiixay reysal wasaare cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed.

Waxaa goob joog ka ahaa safiirada Qaramada, Midowga Yurub, Igad iyo dowlada Itoobiya oo dhammaadtood qalinka ku duugay inay marag ka yihiin hishiiska lawada gaaray.

Puntlandes kala soco faahfaahin heshiiska

Puntlandes.com

About The Author