Natiijada Shirka Garoowe: “Heshiis heshiisyo kale ku xiran, fallaartii cirka loo ganay cid walbooy filo” W/Q Farah M Warsame

Heshiiska Garoowe hoos ayaan kaga hadli doonaa aanse ku bilaabo qisadan:

552

Faarax Warsame

Oday Masri ah ayaa isagoo bartamaha magaalada Qaahira maraya wuxuu arkay 5 wiil oo dhalinyaro ah oo qoryo ku boodaya (yacni curyaamiin ah) mid walba lug baa go’an midigta ama bidixda. Dhalinyaradu waa Afrikaan muhaajiriin ah waxayna waddankaa u tageen in ay dib u dejin waddan kale ah ka codsadaan hey’adda Qaxootiga ee UNHCR. Odaygii masriga ahaa isagoo la yaaban dhalinyarada ayuu la soo boday “Eh daa! fii siyaaxal-mucawaqiin fil-balad wallaa eeh?!” oo macnaheedu yahay “maxay tahay sheekadan? Ma dalxiis dadka curyaamiinta ah ayaa waddanka ka jira?”. Odayga masriga ah waxay kaga dhagtay in sababta keliya ee dhalinyaradan isku wada jaadka ah waddankiisa u iman karaan ay tahay dalxiis & tababaro iwm. Malihiisana kuma khaladana maadaama dalkiisa loo soo dalxiis tago, mu’tamaraad caalami ahna lagu qabto, sidoo kale wuxuu ogyahay in dalkiisu qaxootiga qaabilin, waana sababta uu dalxiisayaal ugu qaatay. Labo bariday kala war la’.

Qisadan waxaan soo xusuustay markaan maqlay in koox xildhibaano & wasiiro ah oo Dowladda Federaalka ka socda ay qaar ka mid ah shir magaalada Garoowe kula yeesheen Dowladda Puntland. Waxaan dabdeeed isku dayay in aan bal wax ogaado shirkani waxa ka run ah, waxaan hore u dhageystay wareysiyo kala duwan oo ay bixiyeen xubnihii Federaalka ka socday. Arrimaha aadka ii soo jiitay waxaa ka mid ahaa markii masuulka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu si cad u sheegay in ay u yimaadeen Puntland sidii ay kor-joogto uga noqon lahaayeen shirka Garoowe si ay ula socdaan habsami u-socodka shirka, ciddii hadhow khalad la timaaddana ay qaban doonaan!

Masuulka u hadlay Baarlamaanka Soomaaliya intaa kuma ekaane isagoo si kaftan ku jiro u hadlaya iskuna dayaya in uu sheego sababta ay Puntland u tageen wuxuu intaa ku daray in safarkani yahay mid khuseeya golaha fulinta (wasiirada) oo qura ee kan Baarlamaanka & Puntland maalin kale loo ballami doono! Cajiib… Mudanuhu wuxuu u ekaa mid tababar fiican ku soo qaatay sida Puntland looga qosliyo marka ay xanaaqaan, isagoo u sii raaciyay haddalo ay Puntland ku raaxeysato marka dhagaheeda kusoo dhacaan sida: “waxaad tihiin hooyadii federaalka, la’aantiin waxba ma hir-galayaan, waxaan ku dhashay tuulo hebel oo Puntland ka tirsan iwm”.

Sharciyadda Shirka

Aan idin xusuusiyo mid ka mid ah shuruudihii ay Puntland ku xirtay wada-hadal dhex mara iyaga & Dowladda Federaalka. Waa qodobka labaad bayaankii ay Puntland soo saartay 30-ka casho-na ugu qabatay in DF ku soo gar-baxdo. Qodobkasi wuxuu u qornaa sidatan:

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxay ka codsadeen Dowladda Puntland in ay bixiso fursad wada-hadal muddo 30 beri gudahood ah laga bilaabo 20/8/2014. Dowladda Puntland codsigaasi waa oggolaatay, waxaase shardi ah in wada-hadaladaasi ay goob-joog ka noqdaan beesha caalamku maadaama heshiisyadii & wadahadaladii hore ee Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland aaney waxba ka hirgelin

Qodobkaasi wuxuu si toos ah u caddeynaya in marka shir la isugu imaanayo ay beesha caalamku goob-joog ka ahaato si ay dhexdhexaadiyaal uga noqdaan haddii muran dhasho waxna la isku qabto. Puntland wey sii faahfaahisay sababta ay sidaa u dooneyso waxayna sheegtay in ay jireen wadahadalo hore u dhexmaray labada kooxood kuwaas oo lagu xad-gudbay, aysan dooneyn markan in wada-hadalkani la mid noqdo kuwaa hore. Shuruudaas qeyb hore ayaa loo jabiyay oo waa tii 30-ka bari wax jawaab ah looga waayay, inta hartayna hadda ayaa la is-raaciyay.

Maxaa dhacay marka? Puntland cidda ay dooneysay in ay ka soo gar-baxdo waa dowladda federaalka oo isku duuban, waxaase muuqatay in golaha fulinta arrinta lagu koobay. Baalamaanka Federaalka oo ah kan eedda badani ka tirsanayeen waxay sheegeen in wadahadaladan aysan shaqo ku laheyn. Cidda lala hadlayaa waa ayo marka? Ma R/wasaaraha & labada wiil ee Puntland kasoo jeedaa? 12-ka xildhibaan ee DF ka socda haddii aysan gar-bixiyayaal aheyn ma daawasho & dalxiis ayay Puntland u yimaadeen mise sida ay sheegayaan ayaa dhab ahoo booskii Beesha Caalamka ayay noo matalayeen oo waxay kala saarayeen qeyb iyaga ka mid ah (Dowladda Federaalka) & Puntand? Markaad waxa Garoowe ka dhacay maqashay ma soo xusuustay sheeko caruurta looga sheekeyn jiray oo ku saabsaneyd dhurwaayo u garnaqaya Ari & dhurwaa is-dacweeyay?.

Waxay na yiraahdeen waa la heshiiyay haddana waxay na leeyihiin waxaa lagu heshiiyay in dib loo heshiiyo.

Heshiiskan (anigu-se aan u aqaan is-afgarad) bayaankii ka soo baxay wuxuu ku qornaa Afka Soomaaliga, Nicholas Kay-na wuxuu saxiixay Soomaali, qodobada qaarna af-soomaaliga ku qoran shaki weyn ayaa ku jira sidee arrimahaas la isu waafajinayaa? Yacni haddii ay timaaddo muran ah annagu sidaa ulama jeedno yaa ummaddan kala saaraya?

Tusaale qodob ka mid ah qodobada wuxuu u qornaa sidatan: “Shahaadada Puntland qaab ahaan waxay u ekaaneysaa midda ay bixiso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Ereyga qaab-ahaan maxaa loola jeedaa? Ma u dhigantaa? mala mid ah-baa? mise qeyb shahaadooyinka ka mid ah ayaa lagu mataalay? Sida machadyada aan dugsiyada la sineyn? Dadku hadal cad ayay yaqaanaane maxaa loo isticmaali waayay ereyga la mid tahay.

Bal qodobkanna macneeya “Waxaa la isla qaatay fudedeynta heshiisyada horumarineed & kuwa caalamiga ah”. Ereyga fududeyn maxaa loola jeedaa? Ma Dowladda Federaalka shatiyo ha loo doontaa? Ma arrin dib loogu laabanayaa si loo sii jilciyo heshiisyada? Bal macneeya, haddii heshiis dhacay maxaa loogu qori waayay Puntland waa u fasaxan tahay heshiisyadeeda horumarineed & kuwa caalamiga ah (FULL STOP)?. War cad oo aan fahmi karno.

Bal kanna ila eega “Hantida dibedda ku maqan ee la soo celiyo si caddaalad ah loo qeybiyo”. Yaabay aniguye ma dhaca hantida Ummadda Soomaaliyeed ayay Puntland qeyb ka noqotay? Nin baa laga hayaa “Bal waxa socdana eega!”.

Bal kanna eega Puntland waa in ay qaaddaa imtixaan mideysan oo dowladda Federaalku aqoonsan tahay. Macnaha weli ma aqoonsanin shahaadadiina maadaama DF aysan ka warqabin imtixaanadiina, halkaa waxaan ka ogaaday sababta shahaadada Puntland loo diiday.

Kanaa ka sii daran Qaabka wada shaqeynta DF & Puntland waxaa loo noqonayaa heshiisyadii hore. Haddii hadda laga heshiiyay in la wada shaqeeyo maxaa kan loogu caddeyn waayay sida loo wada shaqeynayo? Maxay tahay mashquulintan & wareerka horta leh ee adinku raadsada heshiisyadaas?

Arrinta kale ee la yaabka leh waxay tahay qodobka ka hadlaya maamulka gobolada dhexe wuxuu u qoran yahay sidatan “Dowladda Federaalka & Dowladda Puntland waxay isla qaataan in maamul KMG ah ee gobolada dhexe aa ay hoggaamineyso dowladda federaalka uu ka kooban yahay Galguduud & Koonfurta Gaalkacyo” Puntland waxay ku doodeysay in dastuurka lagu xad-gudbay haddii ay saxiixday gobol & bar, Puntland ma kaar gooni ah ayay heysataa oo waxay doonto ku saxiixi karto waxay doontana kaga hor-iman karto? Bal heshiiska dib u akhriyoo waxa lagu heshiiyay ii sheega.

Waxaan oranayaa marka, Dadka reer Puntland ma dareemeen waxa Garoowe ka dhacay mise sidii odaygii masriga ahaa ayay SHIR baa dhacay kaga dhagtay?!

Aan ku soo gabagabeeyo waxaan aaminsanahay in shirkani yahay kii ugu xumaa ee ay Puntland ka qeyb-gasho intii ay jirtay. Waxayna isku dayayaan qolada shirka howshiisa wada in ay nagu qanciyaan labo shakhsi oo beesha caalamka ka socda ayaa saxiixday si shakiga ku xeeran looga saaro dadka reer Puntland-na loo tuso in laga heshiiyay wixii ay tabanayeen, haddiise dadka qaarkii heshiis u yaqaanaan heshiis heshiis kale ku xiran, anigu sidaa heshiis uma aqaan.

Farah M Warsame
bile1971@hotmail.com

http://farahwarsame.wordpress.com/

 Daabacaada: puntlandes.com

About The Author