Wasiir ka tirsan Xukuumada oo sharci daro ku tilmaamay qodob ka mid ah heshiiskii DFS iyo Puntland

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa sharci daro ku tilmaamay mid ka mid ah qodobadii shalay ay ku heshiiyeen DFSiyo dowlada Puntland.

556

Mahad Salaad ayaa sheegay in qodobka ah in maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ah in Gobol iyo bar uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka oo qaba in wixii labo gobol ka badan dowlad Goboleed loo sameyn karo.

“Qodobka 49aad ee dastuurka faqradiisa koowaad iyo shanaad ayaa ka hadlayo dowlad Goboleedyada, cida awood u leh iyo xuduudaha ay yeelan karaan, faqrada shanaad waxay ka hadlee Soomaaliya inay ka kooban tahay 18 gobol hadii saddex la isku darayo iyo hadii labo la isku darayo in 18 gobol lagu saleynayo wax la yiraahdo gobol iyo bar ma jirto”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada oo hogaaminaya wafdi ku sugan Gobolka Galgaduud oo qorshadoohu ahaa in ay bililiqaystaan Gobolka Mudug ee Puntland

Waxaa uu sheegay in in aanay jirin meel ay ku qoran tahay in Gobol iyo bar maamul loo sameeyo, waxaana uu tilmaamay in arrintaas ay aad uga soo horjeedaan sida uu yiri. Wasiirku wuxuu ogaaday in aanu Boobkay rabeen u soconayn maadaama qoraal lagu qoray in aysan ku jirin Gobolka Mudug ee Puntland. Marka wuxuu u dhaqmayaa nin aanba fahansanayn waxa uu ka hadlayo iyo in aysan buuxin sharuudii Dowlad Gobeleed maamumka uu damacsanaa in uu dhisto. Wasiir ama Gobol kale ku darso ama boorsooyinkaaga xirxiro meesha waxba kuuma yaalaane?

Mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay ayaa dhigayay in Koofurta Mudug la raacsiiyo Galgaduud, halka waqooyiga Puntland ay ka mid ahayd ahaana doonto Puntland, waxaana Puntland ay qodobkaas ay aad uga dheganeyd in aanay ka tanaasulin, taasoo ugu dambeyn keentay in la isku afgarto.

Puntlandes.com

About The Author