”Waan Camaaraynaynaa Heshiiskii DFS iyo Puntland” Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid

Gaalkacyo (Pes): Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid ayaa maanta mar uu waraysi siiyey idaacada VOA somali  sheegay in uu cambaaraynayo Heshiiskii Shalay ay ku Saxiixeen Caasimada Puntland ee Garowe DFS iyo dowlada Puntland. Dagaal Ooge qaybdiid oo imimka ku sugan Xamar si uu Hub iyo dhaqaale uu dagaal uga huriyo Gobolka Mudug uga soo qaato Xasan Culusoow madaxweynaha DFS.

Qaybdiid ayaa hadalka ku bilaabaya ”Heshiiskaas guud ahaan ma waafaqsana Dastuurka…Awood aysan lahayn Wasiirka 1aad iyo Puntland ayey sameeyeen ma samayn karaan Xuddud” wuxuuna intaa ku sii daray in ay xiriirkii u jareen xukuumada Wasiirka 1aad.

Wuxuu ku cataabayaa Qaybdiid in ay si gaar ah u taabanayo  qaybinta Gobolka Mudug, wxuuuna yiri ”Heshiiskii 30ki july Kuwii saxiixay oo qaarkood Xukuumada ku jiray ayaa intay xaga tageen Saxiixay hadana. Dowlada ayaa hore u tiri labadan Gobol maamul ha wadasamaystaan”

Qaybdiid ayaa si dagaal Oognimo ah aana la aqoon meesha uu awoodaa ka keenay ku yiri ”Waan diidanahay in Gobolka Mudug(inta ay Puntland leedahay) la raaciyo Puntland mana yeelayno” Wuxuuna intaa ku sii daray ”Xuduudo Qabiil ayuu Wasiirka 1aad samaynayaa yeelina maynno, waxayna keenaysaa dagaal”

Waxaa wax lala yaabo ah damaca waalan ee ay wataan Kooxda Villa Wardhiigleey ee uu kaabaha u yahay Xasan Culusoow. Iyagoo raba sidii ay horey ugu bililiqaysteen Hantidii taalay caasimadii hore ee Somalia dad ay ka mid yihiin reer Mudug ayey u damceen in ku Bililiqaystaan Gobol dhan dadkiisii degen yihiin. Iyagoon iswaydiin sidee idiinku suuroobi kartaa oo dad soo taagan dhulkii aad qalin ugu Bililiqaysan kartaan?

Halkaan ka dhagayso Qaybdiid

Puntlandes.com

About The Author