Maxkmadda ICJ oo go’aamisay inay qaado dacwadda badda Soomalaiya & kenya u dhaxeyso

2 feb 2017 (Puntlandes) Xaakimyada maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobeey ayaa go’aan ku gaaray inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan murankaa badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

233-8e4

Xaakimiinta Maxkaamadda ayaa u codeeyay kiiska kaddib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya ee la timid ee ahaa in dacwadda si hoose loo dhameeyo.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go’aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Soomaaliya ayaa horay u dooday inay Maxakamaddaan ay awood u leedahay inay qaado dacwadaan, maadaama labada dowladood ay horay marar badan isku fahmi waayeen.

Dhul badeedka muranka uu ka taagan yahay ayaa la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo saliidda, iyadoo Soomaaliya ay leedahay kheyraadka nuucaasi ah.

Talaabadan ayaa guul u ah shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee uu Raysul Wasaaraha ka yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke

Puntlandes.com

About The Author