Faallo ku saabsan doorashadii madaxweyneha WQ Abshir Osman

Waxaa dadka adduunka oo dhammi ay la fajaceen sidii demoqraadiyadda ahayd ee loo soo doortay madaxweyne Farmaajo toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya oo ah dawlad yar oo Afrikaan ah oo muddo dheerka la silicsanayd dagaallo sokeeye, abaaro dabiici ah iyo burubur siyaasadeed oo dhan walba ah laga hirgaliyo doorasho xor ah oo ku salaysan dimoqraadiyad, kala danbayn iyo nadaam. Taas oo ay ka muuqatay xilkasnimo, bisayl iyo waddaninimo. Xildhibaannada ayaa runtii si xilkasnimo ah oo hagar la’aan ah u gutay waajibkoodii. Waxayna muujiyey dadaal dheeraad ah, iyagana ayaana mahaddaas iska leh.

233-9b4

Beesha caalamka oo iyana qayb weyn ka qaadatay iskuna taxallujisay in ay qabsoomidda doorashada ayaa iyana mudan in lagu ammaano kaalintii ay ka qaatay abaabulka iyo hirgelinta doorashada lagu xulanayey hoggaankii Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota.

Waxa lala yaabbanaa ma ahayn sida doorashadu u dhacday oo kaliya ee sida loo aqbalay natiijaddii ka soo baxday doorashada ayaa ahayn mid taariikhda baal dahab ah ka galaysa. Sababtoo ah inta badan kama dhacdo Afrika in madxweynaha xukunka hayaa uu aqbalo isla markiiba natiijada doorashada isla markaana uu qirto in laga guulaytay. Sidoo kalena uu si fudud u wareejiyo xukunka. Laakiin xasan Sh. Maxamed wuxuu muujiyey hufnaan iyo odaytinimo markuu qiraty in laga guulaysatay isla markaana gacan qaaday oo u hambalyeeyay madaxwenaha cusub ee gobtaas lagu doortay.

Natiijada doorashada madaxweynuhu ma ahayn mid dadka ku kadisay ee badanaaba dadka siyaasadda indha indheeyaa way u muuqatay in Farmaajo uu fursad fiican haystay. Sababtoo ah dadka la loolamayey waxay isugu jireen kuwo uu ”kaarkoodu” gubtay oo aan bulshada dhexdeeda sumcad ku lahayn iyo kuwo uu hadafkooduba ku ekaa musharraxnimada. Kuwaas oo doonayey in ay kaliya noqdaan ”musharrax” si ay hadhow faraqa ugu xirtaan qofkii ku guulaysta doorashada oo madaxweyne loo doorto. Iyagoo markaas quuddarraynaya in jago loo magacaabo ama ay reerkooda hormood u noqdaan, maaddaama ay CV:ga u gashay ”musharrax madaxweyne”.

Ka sokow sidii yaabka leh oo ay doorashadu u dhacday iyo natiijada ka soo baxday waxaa haddana ay doorashada Farmaajo abuurtay rajo laga qabo in Soomaaliya ay kacdo oo mar kale cageheeda isku taagto. Waxayna arrintani yididiilo gelisay qof kasta oo Soomaali ah oo jecel horumarka iyo midnimada ummadda. Waxaa taas muujinayaana ma ah oo kaliya sidii hufnaanta iyo sharafta lahayd oo doorashada loo agaasimay, iyo in aysan jirin xamaasaddii, colaaddii iyo isqabqabsigii lagu yaqiin madaxda soomaalidu markay meel isugu yimaadaan. Ee ma jirin dareen mususqmaasuq, qabiil iyo laaluush toonna. Sidoo kalena dawldaha shiskeeye iyo hay’adaha caalamiga ahina wax saamayn ah oo muuqata kuma lahayn habka ay doorasjadu u dhacday.

Waxaa iyana xusid mudan, oo soo baxday, in qofkasta oo Soomaali ahi uu fursad u leeyahay in uu utartamo oo ku guuleysto doorashada madaxweynaha. Maxaa yeelay labada madaxweyne oo hore oo iyagu isu arkayey in ay dadka kale uga dhow yihiin ama uga xaq leeyihiin jagada madaxweynenimada, maaddaama ay ka soo soo jeedeen qaabaa’ilka dega agagaarka Muqdisho way ku guuldarraysteen tartankii. Hiilkii qabiilka iyo taageeradii ay ka sugayeenna saaxibbaddodna way ku hungoobeen. Maxaayeelay xildhibaannadu waxay noqdeen kuwo sukulan oo daacad u ah waddankooda oo ka shaqaynaya danaha dadkooda.

Waxaa runtii la oran karaa doorashadii madaxweynaha Soomaaliya waxay u dhacday si xaq ah oo dimoqraadi ah. Mahaddeedana waxaa iska leh ergadii ama xubnihii baarlamaanka oo laga soo xulay dacallada waddanka oo dhan. Kuwaas oo la oran karo wax xilkoodii u guteen si daacadnimo ah oo xilkasnimo ku dheehan tahay.

Hadda waxay kubbaddu la taal madaxweynaha cusub ee Farmaajo oo ah nin aan dadka intiisa badani aqoon u lahayn. Laakiin hadda ayey diiraddu saaran tahay, isaga ayaana dadka oo dammi soo eegayaan. Marka hadda ayenu baranaynaa Farmaajo ninka uu yahay ee aynu dulqaad yeelanno, la soconno oo u kuurgalno waxa uu sameeyo.

WQ: Abshir Osman, Sweden

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author