Sawirro: Diyaaraddii ugu horeysay ee Gargaar u sida dadka Abaarahu saameeyen oo Kuwait ka soo dhooftay

16 feb 2017 (Puntlandes ) Dadaal dheer oo uu sameeyay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait ahna Hormuudka Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh waxaa maanta Dalka Kuwait ka soo baxay Dayuuraddii ugu horeysay ee Gargaar Raashin iyo Daawooyin ah u sida dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen, iyada oo Dayuuradda koowaad ay ku wajahan tahay Gobolada Waqooyi ee dalkeena ee ay baaxadda Abaartu ku habsatay, iyada oo la filayo in maalmaha soo socdaana ay jiri doonaan diyaarado kale oo ku wajahan Gobolada Koofureed ee Dalka.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo saxaafadda kula hadlay Garoonka saakay inta aanay diyaaraddu hawada gelin, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga aan walaalaha nahay ee Dalka Kuwait sida ay uga jawaabem baaqii Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kuwait oo horey u gaarsiisay Madaxda Kuwait in Malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul baaxad weyn sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar deg deg ah..

1 (1)2 (1)3 (1)4 (1)5

Puntlandes.com

About The Author