Daawo Muqaal laga Sameeyey Dhibaatada ay Abaartu ku keentay Xoolo dhaqatada, fadlan ka qayb qaado Caawinta dadkaaga

1 marso 2017 (Puntlandes) Abaarta ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa mid saamaynteedu ay sii balaaranayso, waxaana dadka reer miyiga ah ka sii dhamaanaya xoolihii ay dhaqan jireen.

Meelaha ay saamaynta ugu badan ku yeelatay waxaa ka mid ah gobolada Puntland. Mohamed waa nin reer miyi ah oo ku nool dhulka miyiga ah ee Gobolka Nugaal, waxa uu abaarta ka hor haystay 360 neef oo ari ah, hadda waxaa uga sii haray 90 neef oo aan wax nafaaci ah lahayn haday noqon lahayd Gadasho ama Qalasho.
234-2b8
Cabdullaahi isaguna waa reer miyi waxa uuna abaarta ka hor haystay 270 neef haddana waxa gacantiisa ku jirta 30 neef. Labadan qoys waxa ay noloshooda oo dhami ku tiirsanayd xoolahaas, hadda ma ganayaan waxa ay sameeyaan, waxaana jira welwel laga qabo in dadku ay gaajo u dhintaan.

Hay’adda Laanqayrta cas ee caalamiga ah ayaa halkaas ku booqatay waxaana halkaas lagu soo arkay xaalad aad u qalafsan oo ka qarsoon indhaca caalamka.


Puntlandes.com

About The Author