Daawo Muuqaalo Hailemariam & Musaveni oo ka wadahadlay arimaha Somalia

5 marso 2017 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Uganda ayaa kullumo uu la qaatay madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni waxay ka wadahadleen arimo ay kamid yihiin biyaha Wabiga Niil,South Sudan,iskaashiga dhanka ganacsiga iyo amuuraha dalka Soomaaliya.

234-2e6b

Musaveni iyo Hailemariam ayaa kulamadoodii kadib saxaafada wadajir ula hadlay isagoo uu Musaveni sheegay in arinta wabiga Niil ay tahay mid weli taagan oo aan xal laga gaarin loona baahan yahay in madaxda Afrika arintaas isaga timaado si xal waara looga gaaro.

Dhanka kale Soomalia,wuxuu sheegay in lagu guulaystay in Alshabaab la xakameeyo wixii hada ka danbeeyana loo baahan yahay in la tirtiro si arintaas loo gaarana ay muhiim tahay in la helo taageerada dadka aSoomaaliyeed.

Waxa uu intaas ku daray muhiimada ay leedahay in ciidamada iyo hay’ada kale ee Soomaaliya ay dhismaan si ay cagaheeda ugu istaagto.Wuxuu ku celiyay hadalkii ahaa in ujeedada ay Soomaaliya ujoogaan ay qayb ka tahay garabsiinta dalka Ethiopia.

Raysulwasaaraha Ethiopia oo isna ka hadlay arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in hada rajo wanaagsan jirto isagoo madaxweyne Musaveni uga mahadceliyay doorka ciidamadiisu ka qaateen xasilinta Somalia.

Hailemariam wuxuu amaanay howlgalka AMISOM isagoo ku tilmaamay inuu yahay howlgal nabad ilaalineed kii ugu wanaagsanaa ee caalamku fuliyo.Wuxuu ka mahadceliyay in garabsiinta ay Uganda ka garabsiisay la dagaalanka Alshabaab.Hoos ka daawo sawiro iyo shir-saxaafadeedkii labada

Puntlandes.com

About The Author