Dhagayso: Dawlada Puntland oo ka hadashay xaalada Markabkii Burcaddu Af-duubtay & wararkii ugu dambeeyey

16 mars 2017 (Puntlandes) Ciidanka Badda Dawladda Puntland ayaa shalay gaaray Goobta lagu haystay Markab ay soo Afduubatay Burcad Baddeed Soomaali ah, kaasoo ku sugan Biyaha Degmada Caluula.

a

Dawladamada ay Puntland u dirtay inay soo furtaan Markabkaas Afduubka loogu heysto xeebta degmada Caluula ayaa waxay isku hor fadhiyaan Burcaddii Markabka afduubtay sida uu sheegaay Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dalku dawlad leeyahay ayna qasab tahay inay si nabadgalyo ah kusii daayeen ama ay dawladu talaabo sharcihga waafaqsan ka qaadi doonto Burcadda soo Qafaashay Markabka u rarnaa Ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo intaas kusii daray inaysa dawladu u dulqaadan doonin marna arintan.

Dhagayso Agaasimaha Ciidanka Badda Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan


Puntlandes.com

About The Author