Daawo Video: PUNTLAND oo ka bilowday dhulka baadiyaha biyo dhaamin xoog leh

18 marso 2017 (Puntlandes) Hay,adda biyaha Puntland (PSAWEN) ayaa markii ugu horeysay biyo dhaan xoog leh ka bilowday deegaanada miyiga iyo tuulooyinka abaartu ka jirto ka dib markii ay hawlgalisay gadiid u gaar ah biyo dhaanka oo ay dawladda Puntland u iibisay abaaraha culus ee ka jira dalka.

234-5a5

Tirada gadiidkan oo ah 6 gaari oo haamaha waaweyn ee biyaha ay saaran yihiin ayaa markii ugu horeysay biyo dhaamin xoog leh ka bilaabay deegaano abaar adag ka jirto oo ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Karkaar, Iyadoona ay u qorsheysay Hay,adda Biyaha iyo Tamarka Puntland (PSAWEN) oo maamulaysa gadiidkan dowladu leedhaay in todobaadkiiba ay ka hawlgalaan halkii gobol 3 booyadood, Waana tan keentay in wajigii 1ad ee biyo dhaaminta gadiidkan lagu bilaabo Nugaal iyo Karkaar , Kuwaas oo todoba beri ka dib uga sii gudbi doona Gobolada Kale ee ka tirsan Dowlada Puntland.

Wariye Abshir Dhiirane oo qeyb ka ah hawlgalka saraakiil ka tirsan Hay,adda Biyaha Puntland ay ugu biyo dhaaminayaan dadka ku nool tuulooyinka iyo miyiga ayaa soo tabinaya warbixin xiiso leh oo horudhac u ah barnaamij uu ugu magac darey SAHANKA biyo dhaanka PUNTLAND.

Daawo  warbixinta horudhaca ah

Puntlandes.com

About The Author