Garowe:- Suuban Xaaji iyo Sheekadii Dhexmartay Raad Raac “Wargeyska Shacab

0

76

markana lagu tilmaami karay Wargayskii keliya ee Dhaliilaha iyo Toosinta Dowladihii hore ee Puntland  ayaa dib Hawada u soo galay waxaana Hawlwadeenada Wargayska ay Raad Raac u sheegen in 48 Saac Gudahood uu soo bixi doono Cadadkii ugu horeeyay kaddib ku dhowaad 10 sanno oo Wargayska uu Hawada ka maqnaa.

 

Ka sakow Wararka, waxyabaha Wargayska Shacab aad loogu xiisayn jiray waxaa kamid ahaa “baa la laha”  oo ay laf dhabar u ahayd Suuban Xaaji waxaana Barnaamijkaas uu ahaa mid shacbiyad badan u soo jiiday Wargayska Shacab oo ka soo bixi jiray Garoowe isla markana gaari jiray dhamaan Gobalada Puntland.

 

Sannadkii 2005-tii ayaa Shacab la xiray Kaddib markii xukumaddi wakhtigaas jirtay oo uu Madaxweyne ka ahaa Cadde Muuse Xirsi ay dhibsadeen qaybta Xiisaha badan ee “Baa la lahaa”, xiritaanka Wargayska waxaa wakhtigaas la hor geeyay Gollahii Wasiirada oo Ajandihii Maalmahas lagu soo daray.

 

Mid kamid kamid ah qorayaasha Raad Raac News ayaa wuxuu akhriyay Axaddi gadiid ay ku qoranyihiin:

 

Waa wareey war baa dhacay:  Garoonka diyaaradaha ee magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta ka soo degaysa Suuban Xaaji, kadib markii Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas uu ooda ka rogay Wargayskii Shacab, kaas oo ay Suuban ku soo bandhigi jirtay wixii la lahaa iyo wixii aan la lahayn-ba.

 

kaddib waxan raacay Dadweyne ku socda Garoonka Diyaaradaha si aan uga qaybgalo soo dhoweyntii Suuban Xaaji oo aan in badan mooga kuna xirna Biibatadeeda Shaaha Macaana ee Garoowe muddo ka badan 5 Sanno, laakin dansanayd muddo 10 Sanno ku dhow.

 

waxaa diyaaradi ka soo degatay Suuban Xaaji oo Qurux iyo heybad cusub ka muuqato weli ma aysan iloobin Suuban Macaamiishii Shaaha, sidoo kale weli kaftankeedi caadi ayuu ahaa.

 

Suuban Xaaji Soo dhoweyn iyo Ismarxabeen kaddib durba wey i garatay, waxaan ula baxay gees waxaana weydiiyay Dhawr su’aalood:

 

Raad Raac: Suuban Xagge sidaan ugu soo qurxoonatay oo weliba aad ku maqnayd muddadaan:

 

Suuban: Markii aan ka tagay Garoowe waxaan damcay inaan iska dhiibo Mexico markii aan muddo Sannad ah joogay oo aan Sharci ka wayay ayaan u soo baqoolay Madrid Dalka Spain halkaaso aan ku dhowaad 8 Sanno ku noola Imankana aan ahay Qurba-joog Passport wadata, weliba kii weyna, sdioo kalana Afka Spain, Ingiriis iyo kuwa kalaba ku hadasha :

 

Raad Raac: yaabaye Biibatadii Shaaha ka waran:

 

Suuban: waxan Daawanayay Garoowe oo Bilic Qurxoonatay isla markana balaaratay Buushki Shaaha isagoo Casriyeysan oo Technolygiyada Caalamka la socda iyo Isbedelka muuqaleed ee dhamaan Puntland ayaan idiin Shidaya, idinka Weriyaashi ahe u sheega Macamishi in Suuban Dalki timid.

 

Raad Raac: Tolow maxaa la shir-imaan doontaa? Ma waxyaabihii adiga iyo dawladda  isku diri jirey, mise waa quusatay?

 

Suubaan Xaaji: Allow cidaan wax ogeyn ha cadaabin:

Wasiir baa cad baayacay, baa la lahaa.

Nin baagamuudo ah baa ka baxshay, baa la lahaa.

Hormo-ooman baa timid , baa la lahaa.

La-joojiyaa waa banaantahay, baa la lahaa

La-jiifiyaana waa qodob dastuuri ah, baa la lahaa

 

Waa Hagaag waan sugi doona Suuban iyo waxay la soo shir tagto

 

Wargayska Shacab ayaa wakhtigaan noqonaya Wargayska keliya ee soo baxa iyadoo aan muddo la arag Wargayso badan oo Puntland ka shaqayn jiray, Wargayskan ayaa sidoo kale kamid ah Wargaysyada ee ay qoraan Weriyaal Aqoon sare u leh Cilmiga Saxafadda iyo Shuruucda u degsan.

 

Xuquuqda Qoraalka waxaa leh Raad Raac News

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *