Sidee noqontoontaa xuska sanadguurada puntland ee sanadkan 2014?

0

67

Sida lawada ogsoonyahay Puntland waxay buuxinaysaa  16 sano. Waxaa caado inoo ahayd in la wayneeyo sanadguurada Puntland, oo waliba sannad walbaahi uu kasii xiiso badnaado kii ka horreyey. Sida loogu soo boxo iyo waliba khudbooyinka laga filanayo oo dadka reer Puntland ay aad usii falanqeynjireen.

Waxaa hafladda kaqayb qaadan jiray bulshada qaybaheeda kale duwan iyo ciidamada reer Puntland meelkasta oo ay joogaan.

Dadka reer Puntland waxay ka dhisnaayeen xag mooral/niyadeed iyo xag muuqaalba.

Hadaba Sandakaan sidee bay u ekaan doontaa xafladaas ahayd sida aan kor kusoo xusnay??

Akhristoow sida aad lawada socotaan wadanka waxaa kadhacay isbel. Waxaa yimid xukuumad ka bedelan xukuumadihii ka horreeyey  oo dhan, Marka laga eego hab dhaqkooda, siyaasada hadda waddanka lagu hago iyo waliba xisaabcelinta dadka iyo waxay ka sugayaan.

Sida aan lawada socono waxaa intii uu isbedelku yimid la qabtay hal xaflad oo wayn iyo kuwo yar yar ah oo badan, xafladaas wayn oo ahayd xafladii caleema saarka madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa, waxaana garwadeen ka ahayd Murwo Caasha Geele qabanqaabadeeda.

 

Xafladaas waxaynu ka baran karnaa oo ay ina siinaysaa, masawir ah sida xaflada soosocota ay noqonkarto.

Hadaynu dib umilicsano xafladdii caleemasaarka Mr Gaas, waxaa inoosoobaxaysa sawir fadeexo iyo xishood la,aani ku dheeantahay (yaa kala jecel Puntland, mar uun madaxwayne i dhaha and I will do whatever i wish with my kingdom sell them or put them into mutually assured destruction).

Xafladaas waxaa lagu casumay rag iyo dumar Xamar diyaarad looga soo daabulay oo ay team-ka  madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ula baxeen Badbaado qaran!!

Halka hal qofna aan laga casumin  Baarlamaanka Puntland ee doortay Gaas. Waxaan lasoconaa kuwa joogayna iney ayagu ciriirsadeen oo ay baryootan kusoogaleen. Iyadoo taa lala yaabanaa, bay halkaa kuma joogsane si qayrul sharci ah u badaleen hanaankii iyo wadadii saxda ahayd ee xukumadihii ka horeeyey jeexeen. Wadadaa oo ahay markaad horta adigu waxtahay baad dad kele wax la qabsankartaa. Waxay ahyad waddo dadka reer Puntland ay ku leeyihiin muhiimada koowad. Waxay ahay waddo laxisaabtan iyo hogaan cad ku salasan. Xukuumadahaasu waxay ahaayeen kuwo aan marna kudhicin inay la yimaadaan wax dadka reer Puntland aanay raali ka ahayn illeen waxay ogaayeen in wax lawadaleeyahay loo dhiibaye.

 

78

79

Oo horta Gaas ma ogyahay taa???

Halkaa kuma joogsane waxay magacaabeen Caasha Geele si Dastuurkii lagu heshiiyey ee awalba qolyaha Xamar tirtireen oo la isku haystay Puntland iyo Xamar, inta dhimanna si loo badelo oo loogu badalo Centrale government iyo anagaa wadankoo idil Xamar ka dictate- graynayna. Hadda oggow cidkale xuquuq maleh  waxa xamar lagu malmaloogaayo sidaan ku baranay 23 kii sanno ee lasoo dhaafay aanan ka ahayn dadka qabsaday Xamar oo ahayd meel Soomaaliyi wado lahayd. Waa yaabe maxay Gaas iyo Caasha Geele kula heshiiyeen dadkaas oo ay ku iibsanayaan reer Puntland oo dhan.

Akhristoow aan adiga kuu daayo su,aashaas jawaabteedee ma filaysaa in ay xafladaan yeelanayaan muhiimadda koowaad dadka reer Puntland? Mise sidii aan uga baranay Dr Gaas iyo team- kiisa in ay muhiida koowaad ee xafladda iyo dadka ku casumanba diyaarado iyo baabur looga keeno min Baraxley ilaa Balcad oo reer Puntland ay noqdaan marti banaanka ka daawata inagoo yaaban sida aynuba uyaabanah tan iyo intii uu isbedelku ina assiibay.

74

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey

Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *