DAAWO GAADIIDKII DAWLADDA PUNTLAND GADAY OO REER MIYIGA ABAARTU SAAMAYSAY LOOGU BIYO DHAAMINAYO

23 marso 2017 (Puntlandes)  Ka dib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo  Wariye Abshir Dhiirane ku maray deegaano ka tirsan Gobolada Puntland waxa u suuro gashay inuu la wadaago dadweynaha Warbixin muuqaal ah oo si dhab ah uga hadlaysa xaalada iyo dareenka ka jira miyiga iyo tuulooyinka ku yaala Puntland oo saameyn xoog leh ay ku yeesheen abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
234-5e5
Meel ma dayan barakaca reer miyigu, waxaana ku arkeysaa tuulo walba, banaan kasta iyo jidadka gadiidku maro boqolaal qoys oo is dhinac dhigtay aqal Soomaaligii dalkeenu caanka ku ahaa kuwaas oo u muuqaal eg sidii qaxootigii ama kaamamkii barakacayaasha ee magaalooyinka ku yaalay oo kale .

Qoysaskaan ayaa ah dadka ku cayroobay abaaraha xiriirka ee muddo ku dhaw 4 sano ka jiray inta badan deegaanada Puntland, Waana kuwo aan habayaraatee haysan xoolo iyo hanti ay quutaan midna, waxaana lagu sifeyn karaa inay yihiin kuwo u baahan gurmad deg deg ah oo leh cunto,biyo,caafimaad iyo hooy ama gabaad dhaxanta ay ka dugsadaan.

Wakaalada Puntland u qaabilsan biyaha oo door muhiim ah sanadka ka ciyaaraysa gurmadka biyo dhaanka dadka abaaruhu saameeyeen ayaa lagu arkaa warbixinta doorka muhiimka oo gurmadkani ku leeyihiin gadiidkii dhawaan Dowlada Puntland usoo iibisay in loogu biyo dhaamiyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga iyo tuulooyinka.

Daawo Warbixin xiiso leh.

Puntlandes.com

About The Author