Khilaafkii Maamulka Ciyaarah Puntland iyo Gaalkacyo oo Banaanka yimid (Warbixin+Xog)

Maamulkii Bari. Bidix ka biloow, Agaasime Tigaan, Gudoomiye ku Xigeen SFF, C/laahi Shiikh, Gudimiya PFF, iyo Wasiirka wasaaradda Sh.Sh.Dh iyo Ciyaaraha. (Dhamaan waa Reer Bari)

IMG_3283

Gobolada Puntland waxaa ka socda Koob ugu xiisaha badnaa, kaas oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa lagu dhigo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana ka qay  galay 9kooxood oo heerka koowaad looxushay, kuwaas oo dhamaadka koobkaan ay laba kamid ah hoos u laaban doonaan.

Koobkaan ayaa waxaa ka qayb galaya 9 kooxood oo kala ah, Bari Fc, Bosaso Fc, Comsed Fc, Garowe City , Homboboro Fc, Horseef Fc, Qardho Fc, SBc Fc Somtel Fc, Dhamaan kooxahaani waxaa ay ka dhisan yihiin, Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Garoowe, Qardho iyo Gaalkacyo, waxaana ay ciyaaruhu Jimce kasta ka dhacaan magaalooyinka waaweyn.

Wajiyadii Koobka.

Wajigii Koowaad.

Koobka ayaa soo maray laba marxaladood oo kala gadisan, kuwaas oo kala ahaa, marxaladdii koowad ee hubinta tayada iyo awooda ciyaartowda iyo sidoo kale hubinta habdhismeedka Kooxaha, wajigaas oo loo asteeyey in lagu qabto gobolka kasta marka laga reebo magaaladda Gaalkacyo, oo agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Puntland uu u qorsheeyey in lagu qabto Magaalda Garoowe kulankii labada kooxood ee Homoboboro iyo Somtel, oo ka wada dhisan Magaaladda Gaalkacyo.

Wajigii labaa.

Wajigii labaaad waa midka haatan socda, waana horyaalka kubbadda cagta Puntland, oo Hal lug ah (Hal wareeg), waxaana lagu qaadaa Dhibco, iyada oo laba Kooxood ee ugu hosaysa loo aqoon sanayo kooxo heerka Labaad ee Puntland ah.

Maamulka Koobka.

Maamulka ciyaaraha Puntland, waxaa uu dhisan yahay hab ku meel gaar ah, kaas oo awooda dhamaanteed ay Gacanta ugu jirto, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland, maahin mid shaqadiisa u madax banaan, maahan mid adeegsan kara Xeer hoosaadka loodajiyey Koobak, waxaa uu u dhisan yahay hab ka duwan.

Sida ka muuqata Hab dhismeedka maamulka ku meelgaarka ah ee Kubbadda cagta Punland, waxaa weheliya oo talada go’aamada la wadaaga, Ganacsade caan ah oo ciyaarahana muddo dheer kusoo dhex jiray, Xaaji C/laahi Shiikh oo hadda ah gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed (SFF).

Eeg  Sawirka Hab dhismeedka.

Hab dhismeed Maamulka Ciyaaraha Puntland

Dhamaan xunaha ugu sareeya maamulka Ciyaaraha waa Reer Bari, halka kuwa Farsamada hoose joogaana ay yihiin Reer Nugaal.

Wasiirka, Agaasimaha Guud, Gudoomiye Xigeenka SFF iyo Gudoomiyaha PFF, waa reer Bari.

Xog hayah, Madaxa Garsoorka iyo Madaxa Garoomada Puntland waa Reer Nugaaleed.

 

Gaalkacyo iyo Ciyaarah.

Magaaladda Gaalkacyo waa magaalo aad looga xiisiiyo Ciyaaraha Kubbadda cagta, waxaana ay ka dhisan kooxo heerka gobol ah oo ka kooban 10kooxood, iyada oo shuruudihii lasoo bandhiga xiligii xulashada kooxaha heerka koowaad ee Puntland, ay buu xiyeen 6 kooxood oo kamid ah, waxaana laga qaatay 3kamid ah kooxahaas.

Laga soo bilaabo maalinkii la bilaabay xulashada Kooxaha Puntland, waxaa socday dadaalo badan oo Waday Agaasimaha guud ee Ciyaarah iyo Dhalinyarada Puntland, kaas oo uu wakhtibadan galiyey in uu gaasiro hormarka magaaladda Gaalkacyo.

Isku dayadii agaasimah.

  1. Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa dagaalkiisa ka bilaabay Xuliddii Macalimiinta Xulka Puntland, halkaas oo macalin ku xigeenka loo magacaabay Ibraahim Khalar, oo Kaalinta koowaad ugalay Intixaankii Tababarka Macalimiinta Puntland, waxaana uu ku badalay Macalin kasoo jeeda Gobolka Bari, Macalin Abshir Calooleey, waxaa kale oo raaciyey In Ciyaar yahanadii kasoo jeeday Gobolka Mudug ee xulka lagu daray, uu Amar ku bixiyey in aysan ciyaarin, isaga oo aan waxba Sabab ah u yeelin, waxaana uu adeegsaday Awoodiisii maamul dhaqaale, maadama uu isagu Xiriirka, malimiintaba soo magacaaabay.
  2. Dagaalkii labaad ayuu galay, markii bishii August la soodiray Guddi kasocda Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya, oo Qiimaynaya Kooxaha Puntland, Waxaana uu amar ku bixiyey in aan wax ciyaar ah ka dhicin Magaaladda Gaalkacyo. Kulankii qiimaynta ee Kooxaha Gobolka Mudugna uu ka dhaco magaaladda Garoowe, Sababna uu uga dhigay in aysan Gaalkacyo amaan ahayn.
  3. Dhacdadii labaad ayaa ahayd Markii ay magaaladda Gaalkacyo, isku qabteen isaga iyo nin dhalinyaro ah uu horay danbi ugalay, taas oo sababtay in uu wiilkaasi ugacan qaado, agaasimaha ayaa markaas Sicad u sheegay in ay Gaalkacyo uusan ka socon karin Horyaalka Puntland, isaga oo codsaday in ciyaaraha Dhiman iyo kulankii uu daawanlahaaba loowareejiyo Garoowe, waxaase arinkaas hor istaagay, Maamulka Gobolka iyo Taliska Qaybta Booliska, oo sheegay in ay Iyagu mas’uul ka yihiin amaanka ciyaaraha ka dhacaya Gaalkacyo, ciyaaruhuna ay sidoodii usiisocdaan.
  4. Isku Daygii ugu danbeeyey, waxaa uu ahaa kadib markii agaasime Tigaana uu uyeeray Kooxda Bari Fc, oo la ciyaari lahayd kooxda Somtel Fc, kadib markii ay kooxdaasi codsatay in lookeeno Garsoorayaal, loona waayey garsoorayashii lakeeni lahaa, ayuu kooxdii Amar kusiiyey in ay kasoo baxdo Gaalkacyo, ayna dib ugu laabtaan Magaaladda Boosaaso oo ay kooxdu ka dhisnay, waxaana uu ku sababeeyey in aysan kooxdaasi haysan Damaanad Amaan oo ku filan, Ayna Naftoodu khatar ku jiro.

Laabashada Bari Fc maxay salka ku haysaa

Kooxda Bari Fc, aas aaskeedu waxaa uu salka ku hayey in Gobolka Bari loo helo Labo Kooxood oo matala, Majirto cid si gaar ah u maal galisa, marka laga reebo Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Mustaf Majacase oo taakulo siiya, waxaa haatan leedahay 9 Dhibcood, waxaana u dhimanaa laba kulan, oo mid ay la ciyaari lahayd Kooxda Somtel halka midka kalana ay la ciyaari lahayd kooxda SBC.

Maamulkii Bari. Bidix ka biloow, Agaasime Tigaan, Gudoomiye ku Xigeen SFF, C/laahi Shiikh, Gudimiya PFF, iyo Wasiirka wasaaradda Sh.Sh.Dh iyo Ciyaaraha. (Dhamaan waa Reer Bari)
Maamulkii ugu sareeya Ciyaarah Puntland.
Bidix ka biloow: Agaasime Tigaan, Gudoomiye ku Xigeen SFF, C/laahi Shiikh, Gudimiya PFF, iyo Wasiirka wasaaradda Sh.Sh.Dh iyo Ciyaaraha. (Dhamaan waa Reer Bari)

Wasiir Habar waa, Gudoomiye ku xigeenka SFF C/laahi, Agaasime Tigaana, Gudoomiyaha PFF Majacase iyo Garsoorahooda Muuse, waxaa ay dadaal badan ugu jiraan, sidii Koobka looga Fara maroojin lahaa Kooxda Comsed oo haatan Haysa Hogaanka, dhibceheeduna yihiin 14 dhibcood, laguna siin lahaa Kooxda Bari Fc, oo haatan leh 9dhibcood, waxaana la qorsheeyey Ciyaarta Somtel oo dhex dhexaadiyo C/kaafi oo ay xiriirku u balan qaadeen in Muqdisho loodiri doono, halka Midda SBCna uu dhex dhexaadin lahaa Muuse oo Mujacase uyahay Abti, ahna nin reer bari ah, sidaasna Gar iyo Gardaro 6dhibcood lagu siiyo kooxda Bari Fc.

Isku soo wda duub oo ilaa hadda ma jirto, sabab cad oo ay kooxdaasi ku laabatay, taas oo horseed in ay Somtel qaadato 3 dhib cood iyo 3gool oo aan lagula loolamin, Halka xiriirka kubbadda cagta Puntland ay sheegeen in ay ciyaartaasi baaqatay.

Ilaahadda waxaa taagan xasaradda ah, Kooxda Somtel oo haysta qodobo xeerka ku qoran sheeganaysana in ay qaadatay 3daas Dhib cood iyo xiriirka oo wasaaradda Kaa shanaya oo doonaya in ciyaartaas lagu celiyo.

Gaba gabada.

Kooxaha Waawey ee ka dhisan Magaaladda Garoowe, ayaa iyaguna qaba dhibaatooyin aan kala go’o lahayn, hase yeeshee in badan waxaa fududeeya, Kooxda ugu xasaradda badan ee Garowe city, oo loo dhinaceeda loo jan jeersaday, Halka Culays iyo cadaaladda Darro aan kala Go’o lahay ay tabanayaan labada Kooxood ee Horseed iyo SBC, oo dhinac kasta dhibaatadu ka soo wajahday.

 

About The Author