Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka oo u hambalyeeyay ciidanka Xoogga dalka

12 April (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, Aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda.

234-7e4

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow.

“Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sdioo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isna hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xuska maalinta ciidanka awgeed, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare

Puntlandes.com

About The Author