Galmudug & Ahlusuna oo wada hadalo uga furmayaan Muqdisho

12 April (Puntlandes) Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu wada hadal uga furmo magaalada Muqdisho.

234-8b7

Wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka labada dhianc u dhaxeeya, isla markaana ku dhistaan maamul mideysan.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa wada hadalada ku matalaya Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey, halka dhanka Ahlusuna uu hoggaaminayo Madaxweynaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.

Wada hadalkan ayaa soconaya illaa 17-ka bishan, iyadoo mudada 5-ta maalmood xal looga gaarayo wixii khilaaf iyo tabasho labada dhinac ah, waxaana gaba gabada laga soo saarayaa war murtiyeed.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku gaaray Cadaado heshiis ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha, lana qabto 30-ka bishan.

Ahlusuna ayaa horay uga soo horjeeday Maamulka Galmudug, iyadoo xustay in dowladdii Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay waxyaabo badan uga hiilisay maamulka Galmudug, isla markaana xuquuqo ay lahaayeen aysan siin.

Tan iyo markii uu is casilay Madaxweynihii Galmudug C/kariin Guuleed ayaa waxaa soo baxday fursad lagu mideyn karo labada maamul, waxaana socda dadaalo la doonayo in maamul labada dhinac u dhan yihiin la dhiso.

Puntlandes.com

About The Author