Daawo Shirkii Golaha Wasiirada DFS ee Maanta oo looga hadlay qodobo aad muhiim u ah

13 April (Puntlandes) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda.

234-8c5

Amniga Muqdisho & Dalka

Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigtay Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Guddiga Adeega Garsoorka

Wasiirka Garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in Guddiga Musuqmaasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan.

Abaarta dalka ka jirta

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaana sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah Wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Dekeda Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo warbixin ka dhiibtey xaaladda Dekeda Muqdisho ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay wado qorshe lagu casriyeynayo dekedda isla markaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Xaalada .SO

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Duulista hawada, dhowaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran oo la xiriira arrimahan.

Daawo muuqaalka shirkii golaha Wasiirada DFS

Puntlandes.com

About The Author