Ciidamada Itoobiya oo Maanta ka baxay Dhuusamareeb

14 April (Puntlandes) Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud yaa sheegaya in maanta Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaa ay ka baxeen Xeryihii ay ka degenaayeen Magaaladaas.

234-8e

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada Itoobiya ay ka gudbeen Xadka Gobolka Galgaduud uu la leeyahay Itoobiya, iyagoo wada Ciidamadu Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa Cabsi ku aadan in Shabaabka ku sugan Gobolka Galgaduud ay soo weeraraan Maadaama Ciidamadii Itoobiya intooda badan ay Magaalada ka baxeen.

Magaalada Dhuusamareeb ma ahan meeshii ugu horaysay ee ay isaga baxaan Ciidamada Itoobiya tan iyo markii uu xunka la wareegay madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, iyadoo horay uga baxday Degmada Ceelbuur o oka tirsan Gobolka Galgaduud iyo degaano badan oo kale.

Puntlandes.com

About The Author