Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Wafdiga Ahlusuna

19 April (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.

Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlusuna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

30-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlusuna qeyb ka noqon doonto doorashada.
234-8

234-8a

234-8aa

234-8ab

234-8ac

234-8ae
Puntlandes.com

About The Author