Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga Erdogan

26 April (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa galabta ku kulmay Qasriga Madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Ankara.

Madaxweyne Erdogan ayaa si laab furan ah u soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, waxaana si wada jir ah ay salaan uga qaateen Ciidamada, waxaana Madaxweynaha loo garaacay astaanta Qaranka.

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid khaas ahaa ayay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo labo geesood ah, kaasoo Soomaaliya iyo Turkiga ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxiixan doonaan Ankara.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa ah tii u horeysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii xilka Madaxtinimada uu ku guuleystay horaantii bishii February ee sanadkan.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author