Akhriso Garyaqaanka Guud ee DFS oo ku dhegan Ra’iisul Wasaaraha

30 April (Puntlandes) Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo xadgudubyo lagu sameeyay sharciga iyo fara gelin uu Ra’iisul Wasaaraha ku haayo Maamulka Miisaaniyadda dowladda.

234-2b9

Arrintan ayaa ka dambeysay markii dhowaan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ay isku qabsadeen hab maamulka Miisaaniyadda dowladda iyo canshuur dhaaf loo sameynayo Hey’adaha aan dowliga aheyn, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu la wareego howlihii uu u xil saarnaa Wasiirka Maaliyadda.

Warqad uu Garyaqaanka Guud ee dowladda u diray Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu hada wax ka maamulo Miisaaniyadda dowladda, taasoo uu ku tilmaamay in aysan sharci aheyn,

“Waxaan halkan kugu soo gudbinayaa inaan talo sharci kaa siiyo arrimaha la xiriiro maamulka maaliyadda ama miisaaniyadda dalka oo ay ku soo korortay arrin ku cusub taariikhda soo jireenka ee qaabka loo maareeyo ama loo maamulo miisaaniyadda dowladda”ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday Xafiiska Garyaqaanka Guud.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in sida loo maamulo miisaaniyadda ama bixinteeda ay mareyso saddex xafiis oo kala wasaaradda Maaliyadda, Waaxda Miisaaniyadda, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti dhowrka Guud, intaas wixii dhaafsiisan ay tahay sharci darro inay maamulaan.

Garyaqaanka Guud ayaa ugu baaqay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inuu u madax banaaneeyo shaqada ay u xil saaran yihiin hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuna ekaado inuu kula xisaabtamo gudasha waajibaadkooda, si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale Garyaqaanka ayaa sheegay in musuq maasuqa uu yahay sharciga oo la baal maro, fara gelin aan sharciga waafaqsaneyn uu yahay nuuc ka mid ah musuq maasuqa, kaasoo ka daran kii lala dagaalamay, waxaa uu soo jeediyay in musuq maasuqa lagula dagaalamo sharciga gudihiis oo aan banaanka lala aadin.

Garyqaanka Guud ayaa ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka in la hubiyo laguna kor-joogteeyo ku dhaqanka sharciga hey’adaha dowladda, si loo ilaaliyo sharciga iyo danta guud ee dowladda.

Garyaqaanka Guud oo dhaliilay habka loo maro  xil ka qaadista iyo magacaabista

Dhinaca kale Garyaqaanka Guud ayaa dhaliilay habka loo maro xil ka qaadista iyo magacaabista, waxaana lagu sheegay inay tahay mas’uuliyad wadareed ka soo bilaabato soo jeedinta Wasiirka, ansixinta Golaha Wasiirada, kuna dhamaato xeerka Madaxweynaha.

Garyaqaanka Guud ayaa soo jeediyay in muwaadinka mas’uulka ah xuquuqdiisa la dhowro, xilkana looga qaado si waafaqsan sharciga oo aan banaanka lagu tuurin marka xilka laga qaado, loona magacaabo xil kale, sid dowladnimadu ay fareyso, hadii aysan jirin sababo ka hor istaagayo sida inuu xukun maxkamadeed ugu dhacay sabab la xiriirta shaqadiisa.

Ugu dambeyn waxaa Madaxda dowladda loogu baaqay inay fulinta sharciga ay u noqdaan tusaale ku dayasho mudan, maadaama mashaakilka hortaagan dowladnimada dalku uu yahay dhowris la’aanta sharciga

235-1b5

235-1b5a

235-1b5b

Puntlandes.com

About The Author