Sawiro: Shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 oo Maanta Soo Gebageboobay Iyo Madaxweyne Gaas oo ka Qudbeeyey

Gaalkacyo (Pes) Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka jeediyey qudbad shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 ee ka furmay shalay duhurkii Hotelka weyn ee caala’miga ah ee JM MARRIOTT MARQUIS DUBAI ee magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Shirweynahan caalamiga ah oo ay kasoo qayb galeen wafuud cadadkoodu uu gaadhay ilaa 200 oo ergay iyo marti sharaf badan oo kale oo qiyaastii 700 qof ahayd ayaa waxaa ay isugu jireen wufuudaasi kuwo ka kala yimi wadamo ay tiradoodu gaadhaysay 30 wadan,

NATO, EURIPION UNION, United Nation ka iyo wakiilo ka kala socday shirkado ay ka mid ahaayeen DP World, ayaa ah mid looga arinsanayo arimaha Budhcad badeednimada oo noqotay mid adduunka oo idil gacanta ay ka teegeen.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli M Ali Gaas, ayaa waxaa uu ka jeediyey khudbad aad u dheer oo qaadatay mudo shan iyo toban daqiiqadood ah, khudbadaas oo ahayd mid dhinacyo taabanaysay.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Gaas ayaa waxaa uu ka warbixiyey dhibaatooyinka budhcad badeeda iyo  kaluumaysiga sharcidarada ahi ku hayaan Puntland iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Puntland ay wax weyn ka qabatay xakamaynta budhacad badeeda iyo aafooyinka kale ee ka jira geeska afrika haba ugu horayso amuurtani hada loo fadhiyo lafagurkeeda.

Kulankii maanta oo ahaa gebagebadii shirweynaha UAE Counter-Piracy Conference 2014 ee ka furmay maalintii shalay ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday jewi wanaagsan.

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maalinta berrito ah u anbabixi dona magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, halkaas oo ay Puntland ugaga sii kicitimi doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

Sawiro

762
755

756

757

758

759

760

761

Puntlandes.com

About The Author