Dhagayso: Garaad Ciid oo ka hadlay khilaafka madaxda DFS

Garoowe (Pes) Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay inuu sharci ku tumasho wado madaxwaynaha DFS Xasan Culusoow. Garaad Ciid ayaa sheegay sharci inuu u lee yahay wasiirka koowaad ee DFS inuu isku shaadheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada maadama uu masuul ka yahay howlaha gollaha fulinta,dastuurka dalkuna uu awood u siinayo.

”Madaxwaynuhu intuu war saxaafadeed soo saaro inuu yiraahdo waxba kama jiraan af madaxwayne ma ahan, waa afsuuqi, marka isagaa gardaran wixii xal iyo xurmo ah waa gaarkeeda, balse arrintaasi sidaa ah isagaa ku garsadan” Cadilaahi Cali Ciid ayaa sidaasi yiri xili uu waraysi siinayay Radio Garowe.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay khilaafka inta badan ka dhex bilowda masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka inuu salka ku hayo qabyaalad iyo nin jeclaysi.

”Khilaafkooda inta badan soo noqda wax sharciyad ku fadhiya ma ahan, waa qabyaalad iyo nin jeclaysi iyo kooxo kooxeyn, mana ahayn mid dadka,dalka iyo dowladnimadda dani ugu jirtaa ma ahan, laakiin arrinta caynkaas ah oo sharci la isku qabto waxaa lagu kala saaraa maxkamadda Dastuuriga ah mana jirto”.

Docda kale wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa sheegay khilaafka Villa Somalia ka taagan inuu dhaawac ku yahay dadaaladda iyo hormarka dalka ka socda.

Dhagayso Garaad Ciid

Puntlandes.com

About The Author