Gudiga Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo ka warbixyey Dhismaha Isbitaalka Baaqna Diraya (Dhagaysi+Sawirro).

9 May 2017 (Puntlandes) Gudiga dib udhiska isbitaalka Gaalkacyo ayaa ka waramay Marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray isbitaalka iyo deeqihii lacageed ay usoo direen shacabka soomaliyeed iyo sidii ay wax ugu qabteen waaxaana hada soconaya dhismaha qeybta qaliinka isbitaalka oo ka kooban laba dabakh oo si casriya loo dhisayo.

Dhanka kale Gudiga ayaa shacabka soomaaliyeed ka codsaday inay kala qeybqaataan dhameystirka wajiga 1aad maadaama ay soo wajahday dhaqaalo xumo cabsina ay ka qabaan inuu istaago dhismaha isbitaalka.una mahad ceshay dhamaan dadkii kasoo qeyb qaatay dib udhiska iyo dayactirka isbitaalka.

“Dhaqaalihii Guud ee naso gaaray waxuu ahaa laba boqol afartan iyo kow kun lacag dhan 80,00 kun waxaan ku bixinay dayactirka isbitaalka uu burburka soo gaaray lacagta inteeda kale waxuu ku baxay dhismahaan cusub ee isbitaalka,oo kharashkiisa yahay 600,000kun aan kula hishiinay shirkada qaadatay dhismaha isbitaalka, marka waxaa dhiman lacagtaas afar boqol oo kun marka waxaan codsi udireynaa inay shacabkeen nagala qeybtaan dhameystirka isbitaalka”

Qaraxyadii Mataanaha Ahaa ee 22 Agaust Kadhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxuu Burbur Ugaystay Dhismayaasha Dowlada Hoose,suuqa Xero dayax Iyo isbitaalka Guud ee magaaalada Gaalakcyo waxaana tan Iyo xiligaas ay Gudiga wadeen dayactirka Iyo dhisma Casriya.

Dhagayso 

Sawirro

1MAGE-7-1-768x432

1MAGE-9-768x432

1MAGE-14-768x432

1MAGE-19-768x432

About The Author