Ra’iisul Wasaaraha DFS oo magacaabay sii haya Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska

Wasiirka 1aad DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu magacaabay Cismaan Cumar Weheliye,kaasi oo ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DFS.

Wasiirka amniga DFS Khaliif Maxamed Ereg oo Saxaafadda Muqdisho la hadlay,ayaa sheegay in Cismaan Cumar Weheliye si KMG ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uso magacaabo Taliyaha badalaya Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska DFS AUN Gen. Maxamed Xassan Ismaaciil,oo galabta ku dhintay Muqdisho,inkasta oo Xukuumadda ay shaki ka muujisay sababta uu u geeriyooday,ayna Guddi baaris u saartay Geeridiisa.

Puntlandes.com

 

About The Author