Daawo-Dhagayso: Madaxweynaha JFS Farmaajo & Madaxweyne Dr Gaas oo ka hadlay Fadaraal inay Somalia qaadatay, jawaab ku socota Axmed Madoobe

13 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayey Xaflad soo dhawayn ah oo ay Jaaliyadda Puntland ee magaalada London ee dalka UK u samaysay wafdi uu hogaaminayey madaxweynaha, oo London u yimid ka qaybgalka shirkii Soomaalida ee London ka dhacay ayaa ka hadlay inay Soomaaliya ay qaadatay Fadaraalnimo cidii jecela ama jeclayna ay tahay inay ku shaqayso taas.

235-2b6a

Madaxweyne Dr Gaas aya sheegay in ay Soomaaliya Fadaraal qaadatay ayna rumowday riyadii shacabka reer Puntland oo iyagu lahaa fekerkaas iyagoo doonaya inaysan dib dambe u dhicin wixii dhacay 1991kii oo ay dawladnimadii Soomaaliya hal mar duntay.

Dhagayso madaxweyne Dr Gaas oo ka hadlaya inay Soomaaliya qaadatay Fadaraal


Madaxweynaha ayaa si dadban ugu jawaabay hadal uu London xaflad ka dhacday ka yiri madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo sheegay hadal lala yaabo oo ah ma fiicna Fadaaraalnimo iyo waa ka baxaynaa iyo ma aaminsani.

Dhagayso hadalkii lala yaabay ee uu sheegay madaxweyne Axmed Madoobe

Hadalka kasoo yeeray madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa isla xafladii London ugu jawaabay madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Fadaraalka uuna yahay mid u fiican Soomaaliya.

Dhagayso madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya qaadatay Fadaraal uuna fiican yahay

Daawo Madaxweynaha JFS Farmaajo & madaxweyne Dr Gaas oo si dadban uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Axmed Madoobe ee Fadaraaldiidka ahaa

Puntlandes.com

About The Author