Sawirro: Ray’sul Wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar

13 May 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaadhay magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka Doha Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Dooxa.

Wafdiga oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Dooxa ayaa waxa kamid ahaa dadkii soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda Waddanka Qadar Suldaan Bin Sacad Al-Maraykhi, Sii hayaha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya Xassan Bin Xamza, Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qatar Mudane Cumar Idiris, iyo Safiirka Soomaaliya u Fadhiya waddanka Ciraaq.
Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga iyo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sidoo kale lagu wadaa inay Kulamo kala duwan la qaataan Madaxda Dawaladda Qatar.
Puntlandes.com

About The Author