Sawirro: Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Ubax dhigay taalada SYL

15 May 2017 (Puntlandes) Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa  xuska 15-ka May  awgeed maanta ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo  waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir  iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka

Puntlandes.com

About The Author