Madaxweynaha Puntland “ka yeeli mayno Xildhibaanada ku shiray Nairobi in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo”

17 May 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xaflad lagu soo dhaweynayay Magaalada Oslo ee dalka Norway khudbad ka jeediey  ayaa si kulul ugu hadlay xildhibaanada ka tirsan Labada aqal Baarlamanka jamhuuriyadda Soomaliya ee ku shiray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

25

Madaxweyne Dr Gaas ayaa sheegay in Xildhibaanada labada aqal ee ku shiray magaalada Nairobi ay yihiin kuwa qaswadayaal ah, islamarkaana aysan dumin Karin Dowladda uu Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri ” Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,dowladda Cusub waxaa ka go’an in la dhiso Ciidan Qaran oo waajibkii Ciidan Qaran guddan jireen gutta”

Hadalka Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa kusoo beegmaya xili Magalada Nairobi ee Caasimada Kenya ay ku shireen Xildhibaano ka Tirsan labada aqala ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaliya, iyagoo sameystay Kutlad ay ku sheegeen in ay tahay mid saxaysa qaladaadka Dowladda.

Puntlandes.com

About The Author