Ogaysiis Dhammaan guud ahaan Jaaliyadda Somaliyed ee Sweden, Gaar ahaan Jaaliyadda Reer Puntland ee Sweden

18 May 2017 (Puntlandes)Waxaa lagu wargelinayaa guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden, gaar ahaan Jaaliyadda Reer Puntland ee Sweden, kasoo qayb galka Xafladda Soo Dhawaynta Madaxweynaha dawladda Puntland His Excellence Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

28

Xafladda ayaa waxay ka dhacaysaa Goobtan Hoose:

Address: Radsson Blu Hotel

Södra Hamngatan 59

Maalinta: Jimcaha

Taariihda: 19 May 2017

Waqtiga:

Starting: 17:00 – 23:00

Mahadsanidin.

Waxqabadka madaxweyne Dr Cabdiweli

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa BAAL TAAKHIYA ku galay horumarinta Puntland isagoo wax badan ka qabtay dhan walba sida:

  • Garoomo Diyaaradeed (Qaar waa waa dhamaadeen, qaarna waa gabo gabo, qaarna jidka ayey kusoo jiraan)
  • Wadooyin Halbowle u ah dalka (Dhamaantood meel wacan ayey marayaan
  • Buundooyin Wadooyinkeena
  • Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo
  • Jaamacadda Maakhir
  • Dhismayaal dawladeed oo aad u faro badan
  • Biyo Xireeno

Garoomo Diyaaradeed

  1. Garoonka Diyaaraddaha ee Bosaso waxaa loo dhisay soi Casri ah oo wax walba u dhamaystiran yihiin
  2. Garoonka Diyaaraddaha ee Caasimadda Garowe waa gabo gabo,
  3. Garoonka Diyaaraddaha ee Gaalkacyo waa bilowday
  4. Garoonka Diyaaraddaha ee Buuhoodle Jidka ayuu ku soo jira
  5. Garoonka Diyaaraddaha ee Badhan Jidka ayuu ku soo jiraa

Wadooyin Halbowle u ah dalka

  1. Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo meel fiican ayey maraysaa
  2. Wadada Garowe iyo Gaalkacyo meel fiican ayey maraysaa wayna bilaabanaysaa
  3. Wadada Wadaagsin ee Garacad iyo Galdogob waxaa la dhisay Qayb ka mid ah Wadada Wadaagsin oo dhererkeedu yahay 56km
  4. Dhismaha Wadooyinka gala Madaxtooyadda dawlada Puntland ama Gudaheeda ah
  5. Wadada Eyl iyo Garowe waa uu Daahfuray madaxweyne waxaana la dhisaya wado Laami ah oo ay fulinayso Shirkada CCECC
  6. Wadada Boaso iyo Qandala dhawaan ayey bilaabanaysaa
  7. Wadada Buuhoodle iyo Gaalkacyo dhawaan ayaa la bilaabayaa

Buundooyin Wadooyinkeena

  1. Dib u dhiskii Buundadii Midigar ee Wadada dheer ee isku xirta Caasimadda Garowe iyoxarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso
  2. Dib u dhis Buundooyinka aaga Buuraleyda Bosaso (Meer meerka)

Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo

Xukuumada iminka talada haysa ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay dalka ka dhistay Ceelal Biyoodkii ugu badnaa ee abid laga qodo deegaanada Puntland laga soo bilaabo xiligii Xoriyadda la qaatay ilaa iminka.

Jaamacadda Maakhir

Xukuumadda Puntland ayaa magaalada Badhan waxay ka wadaa dhisme Jaamacadda Maakhir oo iminka lasoo gabo gabeeyey xariga dhawaan laga jari doono.

Dhismayaal dawladeed oo aad u faro badan

Xukuumada iminka talada haysa ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Caasimadda Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland ka fulisay mudadii ay xilka haysay Dhismayaashii dawladeed oee ugu badnaa ee laga dhiso Puntland intii ay Jirtay, mana jirin madaxweyne ka horeeyey oo ka fuliyey Puntland dhismayaal la mid ah kuwa uu Gaas ka fuliyey Puntland iyadoo haddii la isku daro kuwii hore uu ka badan yahay Gaas.

Biyo Xireeno

  1. Labo Biyo Xireen oo waawayn waa la disay waana Anfaceen daka reer Puntland
  2. Afarna waxa lagu hawlan yahay dhisamahooda
  3. Lix Biyo Xireen oo kalena waxaa laga hirgelinayaa Puntland inta uusan dhamaan sanadkan 2017ka
  4. waxaa waliba Biyo Xireenada barbar socda soo noolayn Deegaanka oo ay wado dawladu

Shacabka reer Puntland oo horumarka aad u jecel ayaa u haya madaxweynaha niyad wanaag iyo taageero aan xad lahayn, maadaama uu yahay madaxweynihii waxqabadka badnaa ee Puntland soo mara intii ay jirtay.

Puntlandes.com

About The Author