Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta kusoo wajahan Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden

18 May (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar ku kala bixinayey Waqooyiga Yurub ayaa maanta oo ah khamiis 18ka may kusoo wajahan Magaalada Gothenburg oo ah caasimadda labaad ee dalka Sweden.

234-5b4a

Magaalada ayaa waxaa ka socoto qaban qaabo aad xoogan oo loogu jiro soo dhawaynta wafdi ballaraan oo hogaaminayo madaxweynaha dawladda Puntland.

Dr Cabdiweli ayaa iminka ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway halkaasoo uu booqasho ku tagay 15kii May 2017 isagoo kasoo kicitiimay magaalada London ee dalka UK oo uu uga qayb galay shir ay Soomaalida u qabatay dawladda dalkaasi, kaasoo qabsoomay shalay oo ay bishu ahayd 11ka.

About The Author