Dhagayso+Cadeyn: ‏Masuuliyiin Puntland oo awood sharci daro u adeegsaday ganacsade muwaadin ah

Siciid Maxamed Yuusuf “Siciid Dhaadaar ” oo ah ganacsade ku nool magaalada Bosaso ayaa wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha Puntland waxa uu ku muujiyey cabasho la xiriirta cadaalad daro iyo dhac loo geystay hantidiisa.

Ganacsade Siciid ayaa sheegey ka dib dacwad in muddo ah socotay oo u dhaxaysay isaga iyo shaqsi kale oo uu amaahiyay lacag dhan $ 83,200 USD “Sideetan iyo Saddex kun iyo Labo boqol “ oo dollarka inay xabsi ugu xukumeen maxkamadaha darajada 1-aad iyo kuwa racfaanka Goboladda Bari iyo Nugaal balse ay ka suurto gali waysay fulinta xukunkaas gudoonka sarre ee Garsoorka iyo Madaxda Booliska Puntland.

Waxa uu sheegey “Siciid Dhaadaar ” ka dib markii Maxkamadaha Garowe iyo Bosaso ku xukumeen shaqsiga uu daynta ku lahaa oo magaciisa la yiraahdo “Maxamed Maxamud Axmed “Bide Gantaal ” inuu ku bixiyey amar sharci daro ah oo xabsiga Bosaso looga sii daayay ku bixiyey gudoomiyaha maxkamada sarre ee Puntland C/qaadir Axmed Maxamuud

Waxa uu hoosta ka xariiqay “Siciid Dhaadaar ” ka dib markii lagu sii daayay amarka Gudoomiyaha Maxkamada sarre shaqsigii loo xukumay inuu u fakaday magaalada Hargeysa, Iyadoona ciidanka Somaliland ugu xireen mar kale Hargeysa ka dib dadaal uu sameeyey sida uu sheegey Siciid Maxamed Yuusuf “Siciid Dhaadaar ”

Balse nasiib daro mar kale lagu sii daayay amar ay siiyeeen saraakiisha booliska Somaliland Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sarre,oo uu sheegey Siciid Dhaadaar inay qaraabo dhow yihiin shaqsiga loo xukumay dhowr mar islamarkaana ay u isticmaaleen labadaas masuul Awood sharci daro sii dayntiisa.

Hadalka Siciid Maxamed oo ay ka muuqato cadaalad daro culus oo uu ka tirsanayo awooda sharci daro ah oo ay adeegsadeen  masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland waxa uu sheegey in mar saddexaad oo loo xiray shaqsiga ay uga maqan tahay hantida uu amaahshay in xabsiga  Garowe looga sii daayay amar uu bixiyey Gudoomiyaha Maxkamada sarre ee Puntland.

Waxa uu sheegey in loogu canshuuray xukunka deynta uu ku leeyahay Maxamed Maxamud Axmed “Bide Gantaal ” lacag dhan $ 7,500 ” Todobo kun iyo Shan boqol oo dollar “ lacagtaas oo sida sharciga ah  ku canshuureen Maxkamadaha racfaanka iyo darajada koowaad ee Gobolladda Bari iyo Nugaal kuwaas oo uu sheegey inay ka qaadeen kharash-ka lagu canshuuray dacwadiisa.

Halkan ka dhagayso hadalka “Siciid Dhaadhaar “

Maxamed Maxamud Axmed oo ah Eedeysanaha dhowr mar la xukumay ayuu sheegey “Siciid Dhaadaar ” inuu hadda si caadiya ugu nool yahay magaalada Garowe , Waxaana uu ka dalbaday Madaxda Xukuumada iyo Garsoorka Puntland inay si deg deg leh usoo faro galiyaan arrintan salka ku haysa cadaalad darada xoogan.

Waxaana uu usoo bandhigay Saxaafada Siciid Maxamed Yuusuf “Siciid Dhaadaar ” Documentiyo cadeynaya xukunadii maxkamada iyo qaabka dacwada u dhacday “.

Hoos ka akhriso cadaymaha xukunka maxkamadaha Bosaso iyo Garowe.

768

769

770

771

772

 

Puntlandes.com

 

About The Author