Mudug Maxaa ka reebay Faceed maxaase Isbedel u diiday?

 

775

Gaalkacyo (Pes) Gobolka Mudug ee Punttland ayaa ah Gobol aad u Baaxadwayn ayna ku noolyihiin dad aad u tiro badan aadna u firfircoon haday noqon lahayd wax soosaar kala duwan sida Xoolo, kaluumaysi, Beero, Warshado yaryar iyo Ganacsi kale. Wuxuu kaloo Gobolku caan ku yahay in uu leeyahay Qubojoog aad u tiro badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda kuwaasoo soo geliya Gobolka dhaqaale baaxad wayn.

Caasima Gobolka Mudug ee Gaalkacyo oo ah xarunta isku xirka ganacsiga Gobolada Puntland, kuwa Somaliland iyo kuwa Koonfureed waa Magaalo nasiib u yeelatay in hoy u noqoto dadkaas aadka u firfircoon.

 

Waa see xaalka Gobolka iyo Xaruntiisa?

Guud ahaan Gobolka iyo gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo sida uu Allah nasiibka ugu siiyey Hodantinimada dhinac walba leh nasiib uma helin maamul Xalaal ah oo ka madaxbanaan Musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne. Waxaa nasiib daro ah in Gobolka Mudug iyo xaruntiisuba ay aad iyo aad uga hooseeyaan Gobolada iyo Magaalooyinka kale ee Puntland sida Garowe, Bosaso iyo Qardho iyo kuwa aan Puntland ahayn sida Boorame, Hargaysa, Burco iyo Barbera oo Somaliland ah.

Magaalada Gaalkacyo waa Magaalo dad badan ay degen yihiin, waa Magaalo leh Airpor Caalami ah, waa Magaalo ah Xudun Ganacsi dadkeeduna ay aad ugu firfircoon yihiin ganacsiga  hadaba haday leedahay ilahaas dhaqaale maxaa u diiday Horumar?

Waxaa dadka Gobolka iyo Xaruntiisa laga qaadaa Canshuur aad iyo aad u tiro badan Canshuurtaas oo ay dadka Gobolku u bixiyeen in lagu horumariyo Gobolka iyo Magaaladaba. Hadaba su’aasha dad badan oo aqoon yahay ah iswaydiinayaan waxay tahay Xaggee ku baxdaa Canshuurta dadka Gobolka laga qaado? Maxaa loogu Horumarin waayey Gobolka iyo xaruntiisa? Maxaa si ka ah reer Gaalkacyood oo ay u dayacayaan Mugdina u galinayaan Mustaqbalka Ubadkooda iyo Gobolkooda?

 

Maxaa la Gudboon reer Mudug?

Qof kasta oo u dhashay Gobolka Mudug ama Gobolka ha joogo ama Gudaha dalka ha joogo ama Dibada ha joogee waxaa waajib ku ah in uu iswaydiiyo xaalada uu Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Sharafta iyo Taariikhda lehi ay maanta iyo dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey ay ku sugnaayeen!!!!!

Gobolka Mudug iyo xaruntiisu waxay leeyihiin awood ay ku gaaraan Horumar deg dega haddii ay dadka Gobolku u istaagaan in ay Horumarsadaan Gobolkooda, in ay la Xisaabtamaan Madaxdooda ayna iska eryaan kii siday rabaan aan ugu shaqayn.

Shacabka Gobolku waa in ay ku baraarugaan in aan Horumar lagu gaari karin in Canshuur la bixiyo deetana aan la ogayn meeshay ka baxday.Waana in laga waantoobaa nin jeclaysi iyo isla Xisaabtan la’aanta jirta maanta.

 

Shacabka Gobolku waa in ayHurdada ka toosaan una istaagaan Horumarinta Gobolkooda , xaruntiisa iyo Degmooyinkiisa sida Shacabka Gobolada Nugaal, Karkaar, Bari iyo Gobolada Somaliland. Waa in Shacabka Mudug ku baraarugsanaadaan in aan cidina Horumar u keeni karin haddii aysan iyaga Isbedel ka imaan.

 

Doorka Dawlada Puntland

693

Dawlada Puntland waa ay dayacday Gobolka Mudug (intii ay jirtay Puntland) waana in ay bedeshaa siyaasadeeda ku wajahan Gobolka iyo Horumarintiisa. Waa in ay abaabushaa shacabka kala daadsan oo leh awooda dhaqaale oo ay ku horumarin karaan Gobolkooda iyo Xaruntiisaba.

Isbedelkii iyo Horumarkii uu balanqaaday markii uu xilka madaxyinimada Puntland u tartamayey Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayuu Gobolka Mudug sugayaa.

 

La soco qaybaha kale ….

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author