MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO CASUUMAD KA HELAY WADANKA FINLAND

20 May2017 (Puntlandes) Padan oo ah urur ruug cadaa ah oo bislaaday ayaa sabab u noqday in uu isku xiro labada dal Finland iyo dawlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.sharaf bay noo tahay inaan inagoo isku duuban soo dhaweyndoona madaxweynaheena Cabdiweli Maxamed Cali gaas oo beri oo axada ah 21.5.2017ka  imaanaya wadanka Finland.

6a

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa ayaa casuumad ka helay wadanka Finland waxayna ka kulmi doonaan 22.5-23.5.2017ka Madaxda ugu sareyso wadanka Finland,Baarlamaanka,Jaamacada Helsinki,Rugta ganacsiga iyo maalgashiga wadamada Afrika,iyo Hay’adaha deeqda bixiya.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa ka kulmi doona qurbajoogta somaliyeed ee ku nool wadanka Finland habeenka talaadada..

6

Waxaan ku soo koobayaa PADAN inay tahay mid xaqiijisay safiirnimada ah inay ilaaliso sharafta PUNTLAND iyo SOOMAALIYA guud ahaan,wadamada aan ku nool nahayna aan ula noolaano si nabad galyo ah noqonana kuwo shaqaysta waxna barta oo bulshada la’jaan qaada.Arintaa oo  macnaheedu yahay in aan matalaad fiican u nahay dadkayaga soomaaliyeed ee aan kasoo jeedno.

7

Dallada PEDAN waxay ku jirtaa qaban-qaabadii ugu danbeysay ee ay kusoo dhaweyn lahaayeen wadanka Finland Madaxweyne  Gaas.

Puntlandes.com

About The Author