Daawo sawirka ninkii isku qarxiyey Caawo magaalada Bosaso

23 May 2017 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ayaa waxaa caawa ka dhacay Qarax uu ka ka dambeeyey nin nafti halige ah, kaasoo uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka dawladda Puntland.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Col. Cabdi Xakiin Xusseen Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen qaraxaas oo saddex ka mid ah ay yihiin shacab wadada marayey, hal Askari iyo Nafti haligihii isqarxiyey.

Cabdi Xakiin Xusseen Yuusuf ayaa sheegay in amaanka guud ee magaalada Boosaaso uu aad u wannaagsan yahay, wuxuu ka dalbaday shacabka inay dawlada ka gacan siiyaan amaanka guud ee Boosaaso.

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay sawirka ninkii isku Qarxiyey caawa magaalada Bosaso ee hoos ka daawo

235-2c7

Puntlandes.com

About The Author