Sawirro: Madaxwayne Dr Gaas oo khudbad qiimo leh ka jeediya Jaamacada Helsinki ee dalka Finland

23 May 2017 (Puntlandes) Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad qiimo leh ka jeediya Jaamacada Helsinki ee dalka Finland, iyadoo Madaxwaynaha  iyo ardada Jaamada Helsink (University of Helsink) uu dhexmaray kaftan watta su’aalo iyo jawaabo dhaadheer kadib cashar uu Dr ku ka bixiyay Jaamacaddaasi

Jaamacada ayaa waxa isugu yimid hoolka wayn ee shirarka jaamacada helsinki,ururo aad u tiro badan oo ka dhisan dalkan finland oo dalkaani dadka u dhashay ay leeyihiin kuwaas oo ka hawlgala meelo badan oo ka mid ah Afrika, Asiya iyo Laatiin Amerika ba.waxaa intaa barbar socotay aqoonyahano iyo khubaro cilmibaarayaal ah oo ka kala socday jaamacadaha dalkan finland iyo hay’ado kalaba,iyagoo danayna yay inay ka helaan aqoon iyo waayo aragnimo khudbada war bixinta guud ee dalka soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland uu ka jeediyay Dr Gaas.Run ahaantii madaxweyne ahaan ka sakoow Dr Gaas waa nin aqoon yahan ah leh aqoon sare oo heer jamacadeed ah.Markaa waa nin deeqsiin karaa si cilmiyaysan xaalada guud ee dalku marayo ka siin kara sawir fiican iyo xog wax ku ool ah oo la xariirta mawduucaas.

Wax badan oo ka daah soonaa dadkii halkaa isugu yimid ayaa u bi dhaamay iyadoo kulankaasi ahaa mid ay ka faa iiday cid walboo goob joog ka ahayd shalay halkaas. waxaa iyana dhankooda ka hadlay madax afrika ka hawlgasha oo ka sheekeeyay hawlahooda ay ka wadaan wadamo dhawr ah iyagoo aad u xiiseeyay ula dhacay inay lug wayn iyo xiriir ku yeeshaan soomaaliya gaar ahaan ka bilaabaan Puntland.

Waxaa iyana goobta yimid oo si buuxda uuga soo qaybgalay ururo soomaaliyeed oo ay Dalada ururada jaaliyada puntland ee finland PEDAN oo ah farac fadhigiisu yahay finland helsinki ku marti qaadeen.waxaan leenahay si soomaalinimo ah ayay ururda soomaaliyeed u soo xaadireen kulankaas oo kusoo dhamaaday wax is waydaarsi talo xog iyo xiriir dhex maray Madaxda puntland jaaliyadaha soomaaliyeed ee Finland iyo dawlada finland taasoo nin walbaa wax faa’iideeyay ama faa iidaystay.

Ugu danbayntii Dr Gaas waxa uu u mahad celiyay dalkan FEDAinland sida ay usoo dhaweeyeen jaaliyada soomaaliyeed ee dalkaan ku timid qaxootinimada kadib dagaaladii sokeeye iyo burburkii dawladnimo 1990 kii.Dhanka kale waxa uu tusiyay in soomaaliya isbadal fiican hada ka jiro iyo rajo wayn soomaaliyana ay tahay wadan qani ah sidaa daraadeed loo baahan yahay in dalka finland uu san ka gaabin maal gashiga soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa wili kuguda jira booqadhasiisii dalka Finland, taasoo ay fududaysay Dalla Qurba-Joogta Puntland ee #PEDAN, waxaana si joogto idiinla socodsiin doonaa wararka la xiriira booqashada wafdiga madaxwaynaha.

235-2c6

235-2c6a

235-2c6b

235-2c6c
Puntlandes.com

About The Author