Sawirro: Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka G/Banaadir oo xilka la wareegay

26 May 2017 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa xilka la wareegay, iyadoo munaasabado xil wareejin ah ay ka kala dhacday xarumaha degmooyinka.

Munaasabaddii u horeysay ee xil wareejinta oo dhacday shalay gelinkii dambe ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay Guddoomiyeyaashii hore ee illaa shan degmo, waxaana ay xilka ku wareejiyaan guddoomiyeyaasha cusub.

Guddoomiyayaasha xilka la wareegay ayaa kala degmada C/casiis Sharma’arke Ladane, degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow, degmada Howl-wadaag C/kariin Cali Kaar oo ahaa wariye horay uga soo shaqeeyay Telefishinka Somali Chanel iyo Idaacada Goob Joog. degmooyinka Boodheere iyo Shibis.

Waxaa maanta illaa berri la filayaa inay xilka la wareegaan illaa 1o guddoomiye degmo, waxaana socota qaban qaabada munaasabadaha ay xilalka ku kala wareegayaan.
235-3a9a

235-3a9b

235-3a9c

235-3a9e

235-3a9f
Puntlandes.com

About The Author