Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta dhagax dhigay Wadada Sodonka oo dib u dhis lagu sameynayo

28 May 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu samaynayo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Wadada Sodonka ayaa halbowle u ah isu socodka degmooyinka dhowr ah, iyadoo mudd labaatan sano ka badan ay ku burburtay dagaaladii Muqdisho ka dhacay.

Ra’iisul Wasaare oo uu wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi, iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay wadadan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu muddo kooban ay ku soo afjarayaan dib u dhiska wadadan oo noqoneysa oo horay dowladdu sheegtay inay gacanta ku heyso mashruuciisa dhismaha.

Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo wadooyin kale ayaa horay dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wadada maka al-mukarama dhistay dowladda Turkiga.
235-3ba

235-3bb

235-3bc

235-3be
Puntlandes.com

About The Author