Akhriso beesha Ismaaciil Jibraahiil oo taageertay in la kordhiyo tirada Xildhibaanada Puntland

30 May 2017 (Puntlandes) Beesha Ismaaciil Jibraahiil oo ka mid ah Beelaha dega Puntland ayaa taageertay in la kordhiyo tirada Xildhibaanada Puntland, waxayna ka codsadeen Golayaasha dawladda Puntland in beesha tixgelin la siiyo maamaama aysan Baarlamaanka ka mid ahayn.

235-3ca3

Hoos ka akhriso Baaq la soo gaarsiiyey Warbaahinta Puntland:

Kulan ay isugu yimaadeen Isimada, aqoon yahaanada, wax garadka iyo cuqaasha beesha Ismaaciil Jibraahiil 25/5/2017 oo ku saabsana saamiyada Beesha kaga maqan Dawlada Puntland.

Beesha oo ka mid ah beelaha puntland baa waxay kaga wada hadleen kordhinta xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee madaxweynaha puntland uu dhowaan ku dhawaaqay.  Hadaba, iyadoo beeshu soo dhoweynayso arrintaas ayey dawlada Puntland ka dalbanaysa in ay ka hesho saamiga ay ku leedahay, maadaama ay ka mid tahay beelaha puntland ee aan helin ilaa hadda saamigay ku lahaayeen dawlada puntland sida golaha shacabka (baarlaamaanka) iyo dawladaba.

Kulanka beesha ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan madaxweynaha puntland uu sheegay in la kordhin doono tirada xildhibaanada puntland maadaama cabasho xoogan ka imaanayso qaar ka mid ah beelaha puntland dega. Beesha Ismaaciil Jibraahiil waxay ka mid tahay beelaha badan ee puntland ku midaysan waana mida keentay in beeshu dawlada puntland ka hesho saamigeeda.

Beesha ayaa ugu horayn salaam iyo bogaadin u dirtay Madaxweynaha, gudoonka golaha  shacabka iyo dhammaan bulsha weynta reer puntland isla markaasna ku adkaynaysa inay ilaashadaan nabada iyo horumarka ay haystaan khilaaf iyo tafaraaruqna ka fogaadaan

Beesha ayaa soo dhoweysey baaqii Madaxweynaha puntland ee ahaa in la kordhiyo tirade golaha barlamaanka ka dib marku qiimeeyey cabasha xoogan ee ka imaananysa qaar ka mid ah beelaha puntland dega. Kulan beeshu yeelatay ayaa salka ku hayey inay beeshu  hesho hesho saamiga ay ku leedahay golaha shacabka iyo xukuumadaba.

Shirka Beesha ayaa ku soo beegmaaya xili la saadaalinaayo in la kordhin doono tirade xubnaha xildhibaanada puntland. Saamiga ka maqan beesha ayaa soo jiitamaysey sannooyin badan iyadoo beeshu u arkaysey sinnaan la’aan ka jirtey beelaha puntland dhexdooda.

Nabad doon Maxamed Cabdullaahi oo shirka soo xiray ayaa sheegay inuu madaxweynaha iyo golaha shacabka puntland gaarsiinnaayo bayaankaan isagoo rajo fiican ka muujiyey in golaha barlamaanka iyo xukuumaduba soo dhoweyn doonaan.

Maagacyada wax garadka iyo cuqaasha qoray bayaanka:

1.nabad doon Maxamed Cabdullaahi (ciid)  2.Caaqil Cabdullaahi aw Cismaan

3.“ CabdiraxmaanCismaan                            4.Maxamed Cabdiraxmaan (shah ma cabe)

5.“ Axmed Ciise Cabdulle ( aduunyo) 6. Maxmed Ciise      (prof.gorgor)

7.aqoon yahan Warsame Aadan (rooraaye)       8.eng.Musse Cilmi   (guulwade)

9.Cabdisalaan Maxmed  (balack)                          10.Cali Faarax Cabdulla

11.Maxamed Diirie                                                 12.Siciid Aadan Xusseen

13.yusuf Maxmed siciid                                         14.Jaamac Aadan Xusseen

15.Liibaan Siciid (hawl timi)                                   16.Sharmake Ciise (track)

17.Axmed Maxamed (mishigaan)                         18.cabdifataax Siciid (shiino)

19.Axmed Diiriye                                                     20.Cabdiraxmaan Axmed (xareed)

21.faarax Axmed  Ciise                                            22. Cabdi Axmed cabdulle

About The Author