Sawirro: Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamuud C/raxmaan Cowke ee xilka iska casilay oo xilka wareejiyay

31 May 2017 (Puntlandes) Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo muddo laga joogo bil ka hor iska casilay xilkaas ayaa maanta xilka ku wareejiyey.

Xaflad sagootin iyo xil wareejin ah ayaa ka dhacday xarunta KMG ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay ka soo qaybgaleen dhamaan madaxda Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Gaashaandhiga iyo ku xigeenadiisa.

235-3c3

sawirka kore: Bidix mudane Cowke, dhexda wasiirka G/dhiga, midig Mudane Prof. Sokor

Agaasimihii hore ee wasaaradda mudane Maxamuud C/raxmaan Cowke oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo ku xigeenadiisa wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee dhex martay tan iyo markii ay xilka la wareegeen isagoo ku nuuxnuusaday in mudadii uu xilkaa uu hayay uu wax badan ka qabtay wasaaradda oo ay ugu horeyso dhismaha xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo imika maraya heer gabogabo ah lana filayo inay Wasaaraddu u guurto dhawaan.

Mudane Cowke ayaa sidoo kale wuxuu documentiyo iyo dhamaan xogaha Wasaaradda iyo furayaasheeduba ku wareejiyay Mudane Prof. Sokor oo loo soo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo Wasiirka iyo ku xigeenadiisaba ay goob joog ahaayeen.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhiiga Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa uga mahad celiyay Mudane Cowke sidii wanaagsanayd ee uu xilkiisa u gutay mudadii uu xilka hayey ayna waliba Wasaarradu aad ugu baahnayd waaya aragnimadiisa iyo Aqoontiisa laakiin uu isaga go’aansaday inuu xilka baneeyo.

Dhanka kale Wasiirka ayaa waxa uu ka codsaday mudane Cowke inuu la shaqeeyo Wasaaradda oo uusan ka tagin, isagoo ka codsaday inuu waliba ka mid noqdo la taliyayaasha Wasaaradda.

Mudane Maxamuud C/raxmaan Cowke ayaa horay waxa uu usoo noqday Gudoomiyaha Gobolka Mudug isla markaasna ah Duqa magaalada Gaalkacyo xiligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxaana reer Gaalkacyo ku xusuustaan waxqabad muuqda uu ka sameeyey Gobolka iyo magaalada Gaalkacyo.
235-3c1

235-3c2

235-3c3
Puntlandes.com

About The Author