Magaalada Bursaalax oo uu xilka la wareegay Gudoomiye KMG oo loo magacaabay

3 June 2017 (Puntlandes) Deegaanka Bursaalax oo ka kooban Magaalada Bursaalax iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada ayaa xalay waxaa loo sameeyey maamul ku meel gaar.

235-3e5b

Gudoomiye ku meel gaar ah ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Bashiir Gaylan(Haafe) wuxuuna xilka hayn doona ilaa Ciida Soonfur iyadoo kadib ay dhici doonto doorasho lasoo dooranayo Gudoomiyaha Deegaanka Bursaalax.

Xalay ayaa waxaa ka dhacday magaalada Bursaalax munaasabad ballaaran oo uu xilka kula wareegay Gudoomiyaha KMG ah isagoo kala wareegay gudomiyihii hore Cabdirixmaan shiikh Cabdulahi Maxamuud Gurey.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaalaoow), gudoomiye kuxigeenka Dagmada Galdogob  C/risaaq Tooxyare iyo Isimada kala ah Amiir Maxamuud, Imaam C/wahaab iyo Ugaas Cabdulqaadir cilmi Filig.

Puntlandes.com

About The Author