Daawo Barnaamijka Diiradda Sooyaalka ee PLTV waxna ka ogow Beeraha iyo Kahyraadka Puntland Daahir Afloow

3 June 2017 (Puntlandes) Barnaamijka Diiradda Sooyaalka ee ka baxa PLTV ayaa waxa lagu lafa guryaa Beeraha iyo khayraadka Puntland waxaa daadihinaya Barnaamijka Daahir Afloow.

233-4a3

Dhulka Puntland ayaa ah dhul Allah ku manaystay khayraad kala duwan sida Dhul Beeraha ku wanaagsan, Kalluun, Macdan kala duwan, Shidaal iyo Gaaska dabiiciga ah, waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed u yaqaaneen meel dhagax ah oo lama degaan ah oo aan wax ka bixi karin.

Dadka ku noolaa dhulka iminka Puntland la yiraahdo waxay intooda wax haysatay iyo inta wax baratay u guureen oo ku noolaayeen koonfurta Soomaaliya iyadoo inta ugu badan ay ku noolaayeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, laakiin wixii ka dambeeyey dagaalkii sokeeye markuu Muqdisho ka bilowday 1991dii waxay dadkaasi u soo qaxeen deegaanadoodii ay kasoo jeedeen ee “Puntland” iyagoo nolol cusub ka bilaabay.

Magaalooyinkii aad ayey u koreen, iyadoo magaalooyin cusubi ay samaysmeen, xirfado cusub ayaa lala yimid sida dhul beerasho, iyadoo ay Puntland ka samaynsmeen Beero waawayn oo ay ka baxaan dalagyo kala duwan.

Gobolada ay Soomaalidu u taqaanay inay dhagxaan uun leeyihiin ayaa ah Gobolada Mudug iyo Sool oo iminka ay ka baxaan Beero aad indhaha usoo jiidanaya.

Daaawo muuqaalka oo wax ka ogow Beeraha Puntland

Puntlandes.com

About The Author