Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo gaaray magaalada Caabudwaaq

4 June 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasii lagu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Xaaf oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa waxaa socdaalkooda la sheegay inuu la xiriiro, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada degmada Caabudwaaq oo dhowr jeer ay dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo beeleedyo.

Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada hada la kulansan, iyagoo kala hadlaya arrimaha nabadgelyada iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan degmada.

Waxaa uu isku dayayaa sidii odayaasha deegaanka uu ugala hadli lahaa sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa, isla markaana maamulkiisu uu doonayo inuu dib u heshiisiin dhex dhigo.

Waa socdaalkii u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxo deegaanada maamulkiisa, tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.
21

22

23

24

25
Puntlandes.com

About The Author