Sawirro: Wasaarada Deegaanka Puntland oo kormeer ku samaysay Seerayn & Nasin Dhuldaaqsimeed oo laga sameeyey Dooxooyinka Dharoor iyo Ceel-dheero

4 June 2017 (Puntlandes) Wafti ka socda wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland oo uu hogaaminyey Wasiir kuxigeenka wasaarada Deeganka Faarax Cali Cabdi ayna kuwehelinayeen  Agaasimaha Qorshaynta Liibaan Maxamed Faarax iyo Xubno kale  ayaa booqday Seerayaal lagu badbaadinayo islamarkaasna lagu soo celinayo Dhuldaaqsimeedka xaalufay oo laga sameeyey Dooxooyinka Dharoor iyo Ceel-dheero oo katirsan Dhulka u dhexeeya degmooyinka Iskushuban iyo Ufeyn ee gobolka Bari, Seerayaashan lagu soo celinayo Dhuldaaqsimeedka baaba’ay ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyey  Wasaarada Deegaanka, Maamulka gobolka Bari &  Maamulada Degmooyinka Iskushuban, Ufayn iyo Odayaasha Dharoor, Dharjaale iyo Barako.

Wasaarada Deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waday Wacyigelin balaaran oo kusaabsan ilaalinta Deegaanka gaar ahaana badbaadinta iyo dib usoo noolaynta Dhuldaaqsimeedkii oo halis kujira meelo badan oo Puntland ah, Wacyigelinta ay Wasaaradu waday ayaa ahayd in la sameeyo Seerayaal lagu badbaadinayo Dhuldaaqsimeedka sidaa darteed Wasaarada Deegaanka ayaa 8-dii ilaa 10-kii Bishii April ee Sanadkaan ku qabatay Garoowe Shirweynihii Wadatashiga Ilaalinta Deegaanka Puntland waxaana waxyaabihii shirkaas kasoo baxay kamid ahaa Seerayaasha iyo Badbaadinta Dhulka Daaqsinta ku wanaagsan  waxaana ay Degmooyinka Iskushuban iyo Ufeyn ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee hirgaliyey Seerayaasha.

Dhul daaqsimeedka La seereeyey ayaa qiyaas ahaan dhan 40Km2 oo kuyaala inta u dhaxaysa Deegaamada Hiil, Madaxa-Sharmarookhle, Laasmeeladeen iyo Hadiirka Jiica leh, Waftiga Wasaarada Deegaanka kasocday ayaa shirar la qaatay Maamulka Degmada Iskushuban, Odayaasha Dharoor iyo Odayaasha Dharjaale iyadoo shirarkan ayaa Ujeedkoodu ahaa sidii bulshada loogu baraarujin lahaa Ilaalinta iyo faa’iidooyinka uu leeyahay Seeraynta Dhulku, Seerahaan ayaa markii ugu horaysay Dooxooyinkaan laga sameeyey tan iyo 1986-dii waxaana ay xirnaan doonaan ilaa 1-da Bisha Julay 2017 Mudada ay dooxooyinkaan seeraysanyihiin waxaanan loo ogalayn in Daaqista Xoolaha, Dhexmarista Gaadiidka, Kajarista Cawska iyo dhirta kale iyadoo ganaaxyo kala duwan lagu soo rogay cidii jabisa Heshiiska seeraynta.

Daawo sawirrada
1

2

2a

3

4

5

5a

6

7

8

9

10

11

12

13

17

18

19
Puntlandes.com

About The Author