Madaxweynaha HirShabeelle oo Maamul cusub u magaacabay gobolka Hiiraan

10 June 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan isagoo magacaabay  mas’uuliyiin kale.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cumar Aadan Ibraahim oo loo yaqaan Cumar Baadiyow oo hore xilal uga soo qabtay maamulka gobolka Hiiraan.

Maamulka haatan xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ka dalbaday inay dawlada Puntland sii dayso Alshabaabkii qaraxyada waawayn lagu qabtay magaalada Bosaso, hoos ka daawo.

235-4b7
Puntlandes.com

About The Author