Sawiro: Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda Puntland oo xilkii la wareegay

10 June 2017 (Puntlandes) Waxaan maanta si rasmi ah xilka wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda Puntland ula wareegay mudane Abdisalaan Bashiir Abdisalan oo dhawaan uu madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Clai Gaas u magacaabay, isagoo xilka kala wareegay Wasiir kuxigeenkii hore Ahmed Yaasiin Saalax.

Xaflada labada masuul xilalka kula kala wareegeen waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Beeldaaje,Agaasimaha guud ee canshuuraha beriga Cali Jaamac Gaashaan,Xisaabiyaha guud ee Dowlada Puntland iyo Kuxigeenkiisa iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
235-4b6

235-4b6a

235-4b6b

235-4b6c
Puntlandes.com

About The Author