Puntland & Khilaafka wadamada Khaliijka!!

11 June 2017 (Puntlandes) Dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE) ayaa ku cadaadineya dowladda fadaraalka Soomaaliya inay xiriirka u jarto dawlada Qatar, iyadoo laga yaabo inay joojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya wax ka bedelin Qadar u janjeerideeda.

5

Puntland waxay ka koobana tahay 5 gobol iyo degmo Soomaaliya ka mid ah waana dhul aad u baaxad wayn lehna badda ugu dheer Soomaaliya, waxayna marka hore eegaynaa danaha ay Puntland ka leedahay labada xulufo iyo tan danteedu ku jirto inay raacdo si ay danaheeda u ilaashato.

Sacuudiga & UAE  & xiriirkay la leeyihiin Puntland

Sacuudiga iyo UAE waxay Puntland la leeyihiin xiriir soo jireen ah oo aad u gaamuray, lehna dhicyo badan oo ay ugu horayso GACASIGA iyo mid walaaltinimo waxayna yihiin sidatan:

  • UAE waxaa ku nool dad reer Puntland oo kor u dhaafaya 10000 kuwaasoo ku degen Baasaboorka Soomaaliya oo aduunkoo dhan laga diiday una badan Ganacsato iyo qosaskoodii.
  • UAE waxay ku maalgelinaysaa Puntland lacag ku dhow 500 miljan oo doollar waxaa ka mid ah Dekedda Bosaso dhismaheeda iyo kuwo kale
  • UAE waxay taageero dhan walba ah siisaa Ciidanka ilaalada Xeebaha Puntland ee loo yaqaan PMPF
  • UAE waa suuqa koowaan ee ay Puntland wax u dhoofiso isla markaasna ah marinka Ganacsiga ee Puntland iyadoo ah suuqa aynu wax kasoo dhoofsano
  • UEA waa dal walaal ah taageerana siiya shacabka iyo dawlada Puntland
  • Sacuudi waa suuqa koowaad ee aynu u dhoofino Xoolaheena nool iyo hiliba (inkastoo uu hadda xiran yahay)
  • Sacuudi waxaynu leenahay xiriir soo jireen ah oo u baahan in la ilaasho
  • Sacuudi waxay iminka bilaabeen inay soomaaliaya oo ay Puntland ka mid tahay siiyaan taageero dhaqaale iyo mashaariic horumarineed

 

Xulufada Qadar & xiriirkay la leeyihiin Puntland

Puntland wax xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale oo ay la leedahay Qadar ma jiro, kamana ay fuliso mashaariic horumarineed. Xulufada Qadar waxay ka kooban tahay Qadar, Turkiga, Eriteria iyo Íran, kuwaas oo intooda badan taageera Argagixisada caalamiga ah sida Al-Qaacida, ISAS, Alshabaab iyo Daacish.

  • Qadar iyo Xulufadeedu waxay taageeraan Argagisada ay Puntland dagaalka kula jirto ee iminka dagaalada ka wada Gobolada Hiland iyo Bari.
  • Eriteria iyo Iran oo ah wadamo aad u taageera Argagixisada ma jiro wax xiriir ah oo ay la leeyihiin Puntland.
  • Dawlada Turkiga ayaa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho galisay dhaqaale inta badan ah maalgashi ay iyadu leedahay iyagoo iminka sheegtay inay Puntland ka fulinayso mashaariix caynkaas oo kale ah laakiin aan wali hirgelin.

Xiriirka ay Puntland la leedahay Sacuudiga iyo UAE waa ka wayn yahay mashaariic hal, labo iyo sadex ah waana mid soo jireem ah una baahan in la ilaaliyo.

 

DFS oo Qadar & Xulufadeeda raacday!!

Waxaa maanta Muqdisho gaaray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi oo kulamo albaabadu u xiran yihiin la qaatay raysul wasaaraha iyo madaxweynaha DFS , iyadoo ay tani muujinayso inay DFS raacday xulufada Qadar,halkan ka akhriso.

DFS ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay dhex dhexaad ka noqotay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka, tallaabadaas ayaa waxay aad uga caraysiisay Sacuudiga iyo UAE iyadoo dib u dhac ku keeni kara taageerada dhaqaale ee ay u balan qaadeen ama siyaan Soomaaliya iyo xiriirlka GANACSI ee nagala dhaxeeya.

Ma qarsoona in madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagu doortay taageero dhaqaale oo uu ka helay Qadar, taasoo uu kasoo qaaday ninka aadka ugu dhow Qadar awoodana iminka ku leh Villa Somalia ahna Agaasimaheeda Fahad Yasin.

Hadaba ma saxbaa in Farmaajo uu Soomaaliya bohol ugu rido, danteediina uu ku dayaco Qadar ayaa aniga lacag igu taageeray musharxnimadaydii? Fahad Yasin ayaa Qadar jecel oo dantiisa ayaa ka wayn tan Soomaalliya?

Fahad Yasin ayaa laba jeer ku guulaystay inuu dhaqaale uu kasoo qaaday Qadar madaxweyne uga dhigo Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo iminka ah madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay kooxda ku caan baxay NACAYBKA Puntland isagoo maqaalo badan ka qoray halkan ka akhri , waana xubin firfircoon oo mid ah urur diineed ka jira Soomaaliya oo ka mid kuwa ay Qadar taageerto isla markaasna ah wakiilka gaar ah ee Qadar u qaabilsan Soomaaliya.

Farmaajo waa inuu danta Soomaaliya ka hormariyaa tan Fahad haddii kale waxaa ka imaanaysa cawaaqib xumo, saamaysa ummadda Soomaaliya gaar ayaan in maamul Goboleed kasta uu gooni ugu dhawaaqo inuu xiriirka u jaray qadar.

 

Somaliland oo u jartay Xiriirka Qadar

Somaliland ayaa ku dhawaaqaday shalay inay Xiriirka u jartay Qadar aysana ogolaanayn inay hawadeeda isticmaasho, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la yaabay go’aankaas iyagoo ku doodayey maba ahan dawlad la aqoonsan yahaye sidee ay xiriir u jari karaan? laakiin Somaliland waxay qaadatay go’aan sax ah oo ay ku ilaashanayso danteeda.

Somaliland waxa kaliya ee ay samaysay waa inay ku dhaqaaqday sidii ay ku ilaashan lahay daneeda iyadoo ay Sacuudiga iyo UAE, mashaariic aad u waawayn ka wadaan halkaasi sida dekedda Berbera oo ay dhisayaan.

 

Maxaa la gudboon Puntland?

Puntland waxaa la gudboon inay danaheeda ilaashato, maxaa yeelay madaxda Muqdisho waxay u muuqdaan kuwo ilaalin waayey danta guud ee Soomaaliya iyagoo eeganaya dantooda shaqsiyadeed. Puntland waxaa qasab ku ah iyadoo eeganaysa danteeda inay qaadato go’aan ah inay ku dhawaaqdo inay Qadar oo awalba aysan xiriir la lahayn inay xiriirkii u jartay aysana isticmaali karin hawada Puntland ayna taageertay la safan tahay dawladaha Sacuudiga iyo UAE.

Madaxweyne Dr Cabdiweli waa dastuuri inuu ilaasho danaha dadka iyo dalka Puntland haddii ay dayaceen madaxda Muqdisho oo ay hoos tagto, iyagaana qaadaya mas’uuliyadda qaladka siyaasadeed ee ay sameeyeen cid kale lama wadaagayso. Puntland waxay danteedu ku jirtaa Sacuudiga iyo UAE waana inay dawlada ilaalisaa danahaas soo jireenka ah.

Puntlandes.com

About The Author