Daawo muuqaal Soomaaliya oo laga saaray tartankii qur’aanka ee Imaaraadka, maxaa xigi doona?

12 June 2017 (Puntlandes)Dowladaha Imaaraadka (UAE) iyo Sacuudiga ayaa waxay aad u caroodeen go’aanka ay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka, iyagoo qaaday talaabooyinkii u horeeyey.

235-3e8a

Imaaraadka ayaa masaafurisay ardaydii tartanka Quraanka uga qeybgalayey Soomaaliya iyo Qadar, iyadoo uu xaalku isbedelay kadibmarkii wasiir ka socda Qadar uu gaaray Muqdisho,

Sacuudiguna waxa uu si hoose ula dhaqmay wasiiro ka socday DFS oo u tagay halkaasi inay hesahiis la saxiixdaan dhigooda.

Hadaba waxaa iswaydiin leh maxaa xigi doono? Ma cunaqabatayn ganacsi ayey na saari doonaan? Ma Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkooda ayey kasoo saari doonaan?

Haddii aan si gooni ah u eegno Puntland waxay ku xiran tahay Imaaraadka iyo sacuudiga waxaana danteedu ku jirtaa inay la jaaal noqoto iyaga.

Halkan ka akhriso Maqaal ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay Danaha Puntland & khilaafka wadamada Khaliijka

Halkana ka dhagayso Saneter Prof Juriile oo ugu baaqay DFS inay la safato UAE iyo Sacuudiga iyadoo ilaalinaysa danaha ummadda Soomaaliyeed

Daawo muuqaal tartahii Soomaaliya oo ka hadlaya dhacdada

Puntlandes.com

About The Author